Kadaalli

Kadaalli
W/T Mahad Axmed Dhoorre
Des 30, 2012

Gabaygaan ‘’kadaalli’’ waxa uu soo baxay 28.12.12, waana gabay taabanaya dhul badan gaar ahaan usoo haajiridaydii Yurub iyo waxii aan kala kulmay. Gabayga magaciisu micno wayn buu u samaynayaa qofkii ku fiican eray bixinta Af-Soomaaliga, waxuuna soo koobayaa ujeedada gabayga. Waxaan ku cabiryaa dareenkayga walwalka xambaarsan ee ku noolaashaha Yurub ama Ameerika lagala kulmo, walow aan dareensanahay in aadamigu kala ra’yi duwanyahay, kalana xaalad duwanyahay, haddana waxaan hubaa in waxyaalaha gabaygu taxayo dad badan ila qabaan.

Aduunyadu kadsow-bay ahayd taniyo kowdiiye
Kownkaan markii Ilaah taagayee, Aadam kali yeelay
Kaligiis aduunyada markii, Kaahshe lagu koobay
Ee uu kurboodee cidlada, yara karaahaystay
Kariimkeenna inuu taranta bilo, nagu karaameeyay
Xaawaa kolkaas looga jaray, Feerta kolaygaahe
Shaydaan inuu kibir badnaa iyo kararti loo sheegye
Ka fogaade geedkaas la yiri, waa kadab-jarkiiniiye
Jannadana ku raaxaysta baa la yiri, oo Weyne ka cabsooda

Ayagoo intaas koobtayoo, Kalax kusoo miistay
Oo wada kasahayay, hadana khaladkii kowsheene
Shaydaanbaa kadeedoo ku yiri, Kaahin baan ahaye
King buuna noqon ruuxii geedkaas, miro ka goostaaye
Illen kursi jacayl, aadamaha waa kala go’iisiiye
Geedkii ka meermeer la yiray, kaabash ka dhigteene
kudkoodii markaasay liqeen, Yooco kulubkeede
Eebana kasoo tuur janadii oo laga kankooneeye
Aduunbaana kadadaas lahoo,aan lagu kifaaxayne

kumanaan I jecel aniga oo kowda la qadeeya
kumanaan gala galabtii u taga, oo kolay lasoo dheela
homboboro anoo kooj u ah, oo tara karaankayga
Kobcintii aqooneed anoo ku jira, oo cilmiga kaala
Kartiday anoo maala oo xaafiis, ka onkadinaaya
Kun iyo boqolba anigoo heloo, gacal la koosaarta
kabta karinta-saar maalintaan Yurub usoo kooshay
inuu kiisku saan yahay, marnaba kuma malaynayne

 kayd-baan idiin reebayaa, gabay kacaankiise
koombada darsada oo rakaad, kor iyo hoos maaga
kuwa Yurubta soo kuulayana, kaca oo gaarsiiya
Anigaa kadsoomaye, waxyara dhaanka bal u kaadsha

Inkastoonan aqoon wada kormarin, ruux koobay baan jirine
kimistari(chemistry) kolkii ay ku tahay, Xisaab, koror iyo faa’iido
Kiimikada(chemicals) sidaas loo qasoo, loona kala sooco
Koylis(Coils) markii laga hadliyo DNA, kuman kaloo nooca
Koromsoomyo(Chromosomes ) koox-koox u xiran iyo
waaridkeen, Koobi (copy) laga keenay

Kaynatiks(kinetics) markay gaadho iyo Inzaaym (Enzyme) kala dhigiisiiba
Kombiyuuter waa dhigi aqaan kooris (course) qaaliyahe
Hayeeshee nin kooyaatiyaan, Ruuxna kabahayne
Kiyuuga(Queue) markii kaa liite cadi, kowda ku cabaado
kan xigana midkaas kiristankaa, lagu kulaalsiiyo
Kan xigana hindiga kumanka sano lagu xamaalaayay
Kanxigana waxii koore neceb iyo Islaam, laga kaxaynaayo
waxii kuu banaan waa shanaad inaad ka shaahdaaye
War kolmuu isoo gaarayaa, Kala tag weeyaane
Anigoo dalkaygii u kaca kaliya mooyaane
Digriigaygu Koob kama duwana, kabarka ii saaraan.

Hormadaas kobtii aan la rabay, Kaah makaga nuurshay
Kaalinkay lahayd iyo ma uga shubay, Karin ciriir-yoon dhe
Horin kalana waa soo kicine, kal iyo laab yeesha
kor-ka-xaadis waxii aan yurub kala kulmaan kaamilahaaye
Kuligeed aduunyadu raggow kadiso weeyaane
kowsartii aan qabay oo ilmuhu koodda hore joogo
Oo ugubahoon kala aqoon, goorta lagu keeno
Oo aan koolkoolis hooyadeed la jirin ama ehel kaloo kaala
kadabkeed shaqo uu go’ay, maxaan kooraha u qaatay
Kaafi laguma gaaree maxaan, guure ku abaaday
Kaligeed maxaan ugaga tagay, daris karaahaysan
Cidla inaan kusoo furay maxaan, kali ku sheekaystay
Iska koob(cope) garee iyo maaan ku iri hadalo kaynaana

Warehouse(warshad) maxaan kala guroo, kooshad madax saartay
Kaleetida mid sayraa muxuu shaqo I kooreeyay
Gurgurshaa kaliileed sidiis muxuu kabad I saarsaaray
Salaadaha muxuu igu karhaday, kicinta aadaanka
Kor ka eegis anigoo ka biqi, kaamaro I sheegta
Kob mugdiya maxaan koodh fidsaday, kabo anoon siibin
kadeed muxuu igu jirabay aan kala go’ayn waana
Kallahaad anoo imid muxuu hadalka ii kuuray.

Kalarkayga muxuu igu nacoo, cuqdadi kor iyo hoos qaaday
Kaymaha inaan ka imid muxuu u qabay siday korowgii dhe
Kunkii aan helaba maxaan reer tolkay, Kolo’ usoo siiyay
illeen gaari kari wada mayee, maxaan eed la ku galabaystay
Korontadu anooy iga go’doo kaarku igu qaylshay
Kiradiina soo qaban la’oo, yara kuraabaysan
Kaligii-ritiyo maxaa la igu yiri, kuwo kaloo dheerba

Kulbis iyo ragbaa yurub ka gura, shilimo kuuskuusan
Kiishashkana ragbaa lacag dhigoo, Koron kasoo buuxsha
Hayeeshee kadoodaa sariyo, adoon koodhka yara eegin
bal u kuurgal xaaraan iyo xalaal tuu kalayaha buuxshay

Hormadaas intaan kayd ka dhigay, kaafi ma u sheegay
war kadaalli gabaygii ahaa, kooro ma u yeelay
Hormo kalana waa soo kicine kal iyo laab yeesha
War raggiina yurub kafantayoow meesha naga keena
Aqoon iyo khibrad taad kororsateen, dib u kaxayn geeya
Waxa khyraad dhulkii kaydsanaa kaca oo soo saara
War kuwiina soo kicitinow, reerka bal u kaadsha
Annagaa kadsownaye halkaas nagu karaameeya

Mahad Axmed Dhoorre
Email:jjmahad@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.