Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Kacdoonnada Shacab ee Lagu diidanyahay Maamulka Cagjar oo Sii Xoogaysanaya (Warbixin)

Jigjiga, Waxaa indhawaalaba isasootaraya kacdoonnada iyo xiisadaha siyaasadeed ee ay shacabka deegaanka Soomaalidu ku diidanyihiin maamulka uu horjoogaha ka yahay Mustafe Cagjar.

MW MustafeCagjar

Iyadoo ay horeba aad u hoosaysay kalsoonida ay shsacabka deegaanku ku qabaan madaxweyne Cagjar iyo adeegayaashiisa, ayaa waxay arrintani cirka isku sii shareertay ka dib markii ay dhawaan koox u badnayd mas’uuliyiin hore uga tirsanaan jiray maamulka Cagjar ay ku dhawaaqeen in ay sameeyeen garabka sixitaanka ee xisbiga PP ee RW Abiya Axmed laantiisa deegaanka Soomaalida.

Waxaa iyaguna sii labalaxaadsanaya abaabulka qurbajoogta deegaanka ee ka soo horjeeda maamulka Cagjar iyagoo dhidibada u taagay isbahaysi ay ku midaysanyihiin oo lagu magaabo danta Soomaalida (Somali Cause).

Qaar ka mid madaxweyneyaashii hore ee deegaanka ayaa iyana si cad u muujiyay saluugga ay ka qabaan habdhaqanka madaxweyne Mustafe Cagjar iyo maamulkiisu iyo qaabka ay hadda wax u wadaan.

Odayada dhaqanka, dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada, ayaa iyana maalmihii la soo dhaafay si cad u muujinayay diidmadooda maamulka horjooge Cagjar iyagoo kulamo ku qabanayay magaalooyinka deegaanka qaarkood.

Waxaa iyana la arkayay dhawaanahan waraaqo lagu daadiyay magaalooyin ay ku jirto caasimadda Jigjiga oo lagu qoray halkudhegyo lagaga soo horjeedo maamulka deegaanka sida Cajar down iyadoo sidoo kale ay jireen isu soo baxyo iyana lagaga dhawaaqayay ereyadaas iyo kuwo la mid ah.

Haddaba xaaladdan cusub ayaa madaxweyne Cagjar ku dhalisay argagax iyo anfariir isagoo islamarkaana ka bixiyay jawaabo ay shacabku aad ula yaabeen.

Maamulka Cagjar ayaa waxa uu miciin biday cabbudhin, xadhig iyo jidh-dil uu kula kaco shacabka dareenkooda muujiyay isagoo isla markaana ka horsitaagay xuquuqahooda dastuuriga ah ee kulamada iyo isu soobaxyada.

Dad kala duwan oo maamulka dhaliilay, ayaa maalmihii u dambeeyay xabsiga loo taxaabay iyadoon habayaraate loo marin nidaamkiii sharciga ahayd xadhigooda, islamarkaana waxa la heegay in ay jiraan shakhsiyaad guryahooda saq dhexe laga baxay oo ilaa hadda meel ay jaan iyo cidhib dhigeen aanay ogeyn eheladoodu.

Dhanka kale madaxweyne Cagjar iyo adeegayaashiisa ayaa hadallo isburinaya ka bixiyay xaaladda cusub ee soo foodsaartay maamulka Jigjiga.

Qoraal ku qornaa afka Amxaariga oo dhawaan ka soo baxay maamulka Cagjar ayaa lagu sheegay in ay deegaanka qalalaase iyo afgambi ka wadaan kooxo nabad-diid ah oo ay ka dambeyso TPLF, islamrkaana ay fashiliyeen afgambigaas.

Waxaa la yaablahayd in taliyaha ciidanka Liyuu Booliiska deegaanku oo arrintan ay saxaafadda Amxaaradu wax ka weydiisay uu ku tilmaamay hadal been ah oo aanay waxba ka jirin, deegaankuna uu yahay mid xasilloon oo aan wax qalalaase iyo amni darro ahi ka jirin.

Madaxweyne Cagjar oo isagu tan iyo intii uu xilka hayay ku caan ahaa kabaqaadnimada iyo iska dhaadhicinta Amxaarada xagjirka ah, ayaa hadda si bahdilaad ah isu hoos dhigaya Amxaarada, kuna quudinaya warar been ah si uu u kasbado kalsoonidooda halkii uu ka kasban lahaa kalsoonida shacabka uu sheegto inuu madaxweynaha u yahay.

Waxaa maalmahan la arkayay ninamka Amxaarda ugu afka dheer Baraha Nulshada oo aad uga qaylyaya wax ay ku tilmaameen argagixiso soo weerartay maamulka Cagjar. Qolooyinkana oo uu adeegsado Cagjar ayaa la sheegayaa in uu ku bixiyo kharash aad u badan islamrkaana isagoo ku hadaaqa fikradaha dhanka ka ah federaalka qawmiyadaha ku dhisan ee ay Amxaaradu u ololayso.

Amxaarada ayaa deegaanka Soomaalida ku naaloota xuquuq xataa aanay Soomalida dalka iska lihi haysan.

Xiisadahan siyaasadeed ee uu wajahayo maamulka MW Mustafe cagjar, ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo hadda ay deegaanka Soomaalida ka jirto abaar iyo macaluul saamaysay dadka iyo xoolahoodaba, ayna ku le’deen xoolo tiro badan iyadoo sidoo kalena la sheegayo in ay jiraan dad u dhintay harraad iyo gaajo.

Waxaa durtaba soo ifbaxaya saamaynta ay macaluusha ka dillaacday deegaanku ku yeelatay ubadka yaryar iyo dadka waayeelka ah oo nafaqo darro la ildaran iydoo isla markaana la sheegayo in meelaha qaarkood ay ka dillaaceen cudurro halis ah oo shubanku ka mid ayahay.

Sidaadarteed hantida faraha badan ee maamulka Cagjar loogu deeqay si uu wax ugaga qabto xaaladda macaluusha ee ka jirta deegaanka, ayaan ilaa iyo hadda wax isbeddel iyo saamayn ah ku yeelan nolosha malaayiinta reer guuraaga haraadka iyo gaajada la il daran.

Musuqa, maamul xumada iyo wax isdaba marinta ka jirta maamulka Cgjar ayaa si aad ah looga walaacsanyahay in lagaha loo qoondeeyay wax ka qabashada abaarta ay ku dhacdo jeebka mas’uuliyiinta maamulka. Dadka xaaladda deegaanka aad ugu dhuundaloola ayaa arrintan ku sababeeyay karti darro iyo maamul xumo ka jirta maamulka cagjar.

Si kastaba ha ahaatee xaaladdan cusub ee ka jira deegaanka Soomaalida ayaa dad badan u arkaan mid muujinaysa baahaida shacabku u qabao in isbeddel siyaasadeed ka dhaca deegaanka, xiddidadana loogu siibo maamulka reeraysan ee muddada afarta sanno ku dhaw ka arriminayay deegaanka.

WardheerNews, Jigjiga.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.