Muqdisho (WDN)- Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo si kulul uga hadlay xiisadaha siyaasaddeed ee kasoo cusboonaaday gobolka Gedo, kaasi oo uu ku eedeeyey in ay ku lug leeyihiin masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Md. Maxamuud Sayid oo maamulka Jubbaland kaga matala gobolka Gedo, ayaa ka codsadey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre, inuu si deg deg ah usoo fara geliyo xiisadda ka aloosan gobolka Gedo. Taasi oo uu xusay in ay ku lug leeyihiin masuuliyiin xukuumadiisa ka tirsan, isagoo arinkaasi ku tilmaamey mid xadgudub ku ah xeerarka iyo dastuurka dalka u yaalla ee lagu wada heshiiyey.
Md. Maxamuud Sayid oo xiisadda ka aloosan Gedo ka hadlaya waxa uu yiri “Jubbaland oo gudaneysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxa ay qaadi doontaa tallaabooyin wax ku ool ah oo xal u noqonaya xaalada gobolkaasi Gedo ka jirta, taas oo umadda gobolkaasi gaarsiinaysa amni, maamul, garsoor iyo adeeg bulsho oo dhameystiran.”
Maxamuud Sayid ayaa hadalkiisa ku daray “Dowladda Jubbaland waxay rajeynaysaa in xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamsa ay arrintaan soo farageliso oo wax ka qabato, maadama ay tahay arrin banaanka ka ah dastuurka i yo xeerarka dalka u yaalla”.
Khilaafkaan cusub ee soo kala dhexgalay maamulka Jubbaland iyo xukuumadda dhexe ee la xariira maamulka gobolka Gedo, ayaa salka ku haya booqasho todobaadkii hore ay ku tageen wasiirkii hore ee amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyagoo halkaasi ka wada olole dib loogu habeynayo maamulka Gedo. Waxaana arinkaasi uu ka careysiiyey maamulka uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaan (Madoobe).
Xiisadaan ayaa sidoo kale soo ifbaxdey xilli booqasho maanta uu ku tagey degmada Doolow ee gobolka Gedo taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Salaad. Taasi oo ujeedadeeda siyaabo kala duwan looga hadlay,wararka qaar ayaa tilmaamaya in booqashada ay la xariirto xal u helidda xiisadaha kasoo ifbaxay gobolkaasi .
Arinta gobolka Gedo ayaa ah arin khilaafkeeda uusoo bilowday dawladii uu hogaamin jirey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo magacaabay maamul ka madax banaan maamulka Jubbaland. Waxaana gobolkaasi ka dhacey iska hor imaad dhexmarey ciidamo uu hogaaminayey wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo ciidamo dawladda federaalka ay gobolkaasi geysay.
Haddii aan xal loo helin xiisadda gobolka Gedo, waxaa laga baqanayaa in arrinka uu isu rogo gacan ka hadal sababa inuu go’o xariirka u dhaxeeya dawladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Waxaana caqabad uu ku noqonayaa hawlgalka la doonayo in Jubbaland laga bilaabo ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, laakiin fariinta maanta ka timid madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa u muuqata mid fursad lagu siinayo dawladda dhexe si aanay u qaadin waddadii hore ee uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ee iska hor imaadka sababtey.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply