Jubbaland oo Ka Jawaabtay Warsaxaafaddeedkii Villa Soomaaliya

Kismaayo, Warsaxaafaddeed ay xilli hore oo maanta ah ay soo saartay villa Soomaaliya ayaa lagu xusay in dawladda F. Soomaaliya ay u aqoonsatay maamulka Jubbaland mid KMG, muddo xileedkiisuna ku egyahay laba sano.

inkastoo dad badan ay ugu arkeen arrintani tanaasul ay samaysay dawladda federaalku ayaa haddana marka aad fiirisid jawaabta ay ka bixisay Jubbaland ugu muuqda mid aan u cuntami karin iyaga.

Haddaba qoraal jawaab ah oo ka soo baxay dawlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in mawqifka cusub ee ay dawladda F. Soomaaliya ka qaadatay Jubbaland uu yahay mid xadgudub ku ah dastuurka KMG ee Soomaaliya iyo midka Jubbaland labadaba.

Qoraalka jawaabta ah ee ka soo baxay Jubbaland ayaa u qornaa sidatan:

Aqoonyahan ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo aan wax ka weydiinay sida ay ugu muuqato jawaabta ay Jubbaland ka bixisay aqoonsiga dawladda Fedraalku siisay ayaa yidhi, “Jawaabta Jubbaland waa mid la malaysan karayay waayo haddii ay oggolaan lahayd, taasi waxaa loo fasiran laha in dawladda F. Soomaaliya ku saxsanayd in doorashadii ka dhacday Jubbaland bishii Agoosto sannadkii aan soo dhaafnay ay ahayd sharaci darro, madaxweyne Axmed Maxamed Islaan na uu muddadaas kursiga ugu fadhiyay sifo aan sharciga waafaqsanayn”

Si kastaba ha ahaatee mawqidyadan iska soo horjeedda ee ay kal qaateen dawladda F. Soomaaliya iyo maamulka jubbalan iyadoo hadda loogu jiro dadaal sidii ay doorashooyinka heer federaal ugu dhici lahaayeen wakhtigooda, ayaa ah mid sii murignaya uun xaaladdii cakirnayd ee ka taagnayd Soomaaliya.

Wardheernews, Kismaayo