Kismayo (WDN)- Warsaxafadeed ka soo baxay Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay WardheerNews, ayaa Dowlad Gobolleedka Jubaland ku tilmaantay Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho 20-30 Oktober, 2024 in uu baalmarsayahay heshiisyadii horey loo gaadhay iyo dastuurka dalka. Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo horey u qaadacday shirkaasi, islamarkaana uu ka baxay shirka Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Islaan (Axmed Madoobe), ayaa sheegtay in go’aanada ka saabaxay Golaha Wadatashiga aan loo dhameyn, oo aynan aqbali doonin. Warmurtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa soo saaray go’aano ah in la qaban doono Doorasho Qof iyo Cod ah bisha Sebt 2025, halka Maamul Gobolleedyada loogu daray hal sano oo dheeraad ah muddu xilleedkooda oo horey u dhamaaday.
Warsaxafadeedka ayaa u qrnaa sidan:
Leave a Reply