Jubbaland: Axmed Madoobe oo mar kale la doortay

Kismaayo ( WDN)- Doorashadii Jubbaland oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ku guuleystay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo helay 56 cod, halka musharrax Marwo Canab Maxamed ay heshay 17 cod, iyadoo Md. Maxamed Maxamuud uu isna helay 1 cod.

Axmed Islaan ( Madoobe)

Isla goobta ayaa lagu dhaariyay Madaxweyne Axmed Madoobe, oo noqon doona madaxweynaha Jubbaland 4-ta sano ee soo socota.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo horey u ahayd in la qabto bisha 19-dii , ayaa lagu daray muddo sadex beri ah oo ku aadan maanta oo bisha Ogost tahay 22, 2019.

WardheerNews