W.Q. Bashiir Yuusuf
– Hadaan waayey Calan la ii nashiro tan iyo Nairobi,
– Miyaan waayey Nuurkii Alliyo Nabigga Jaahiisa: Sayid Maxamed
Hammiga Sayid Maxamed Cabdille Xasan habeena kuma soo aroorin, in goob ka mid ah dhulkii uu ku taami jiray sidii uu calan guudka ugu saari lahaa kula masoobi doono Menelik II-Sahle Maryam- Boqorkii Itoobiya u arrimin jiray sannadihii 1889-1913. Menelik II Soomaalidii la hardami jirtay waxay u taqaanay Mililikh. Boqor Minilik II, wuxuu gadhwadeen u ahaa Boqortooyadii Abasiiniya ee geyiga Soomaali Galbeed dhulbalaadhisiga ku timid, una gaysatay dadka Soomaalida aafooyin dad iyo duunyaba isku si u camimtay.
Irmaanka maragga u ah hammigii sare ee hoggaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa lagaga bogan karaa baydkan oo ka mid ah suugaantiisa dhaxalgalka ah “Hadaan waayey Calan la ii nashiro tan, iyo Nairobi, miyaan waayey Nuurkii Alliyo Nabigga Jaahiisa”. his ka muuqata beydkan waxa uu Sayid Maxamed si toolmoon ugu muujiyey damaciisa siyaasadeed halka uu daaranaa. Sidoo kale baydkan wuxuu noqonayaa halbeeg jihaysan oo tilmaan ugu filan ciddii muhmal ka galay jahada dagaalkii Sayid Maxamed ku aadaanaa.

Jigjiga, waxay dhacdaa badhtamaha dhulkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku hawaawiyi jiray in calan cuddoon oo ciriqiisu ku arooro diinta iyo dhaqanka Soomaalida guudka loo sudho. Isaga oo baadigoobkaas ku jira, Maarso 1900kii duleedka Jigjiga waxaa isku haleelay ciiddamadii Gumaystaha Xabashida oo laga soo abaabulay magaalada Harar iyo kuwii Daraawiishta. Cudud ama heenso-qaad toolmoon oo ay Xabashi ku loodin amase ku hawaysato ciiddamadii laqanka ahaa ee Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ma ahayn mid maanka Xabashida marna si buuxda ugu soo xaadirtay. Iyada oo sababta ugu dhumaca-weyni ahayd awooddii taabbogalka ahayd ee Daraawiish u saamaxday in ay si tigtigan ula faltamaan gumaystihii Ingiriiska. Xabashida waxaa markaa quus gaadhsiiyey tiihaalka Daraawiishtu baday gumaysigii Ingiriiska. Iyada oo sidani jirto, ciiddamadii Xabashida waxaa soo dhiiri galiyey gumaysigii Ingiriiska markii ay talo ka sirgaxantay miciinna biday in uu xidhiidh iyo abaabul ugu heenso qaato Ingiriis sidii uu Sayid Maxamed ugu furi lahaa furin kale si Daraawiish ugu hafato furinta laba afleyda ah.
Maamuuskii taalada Sayidka Jigjigaa bi’isay
– Bishani waa bishii tolkeen ba’ayey; bishani waa bishii balaayada eey:
Nin waddani ahaa oo la odhan jiray Maxamed Ismaaciil ayaa wuxuu necbaa sida la wariyey bisha Febraayo. Bisha Febraayo marka laga eego dhinaca qoonsiga Maxamed Ismaaciil wuxuu u tiriyey bishaas in gabbood fal badan lagula kacay dadyow badan oo ku dhaqan qaarrada Afrika oo ay Soomaalidu ka mid tahay. Soomaalidii dabadhoonka u ahayd gumaystihii Ingiriiska, waxay ninkaa ku naanaysi jireen ‘Balaayo-cas’ halka kolkii xornimada Soomaaliya la helay lagu maamuusay Maxamed Ismaaciil ‘Barkhad-cas’. Maxamed Ismaaciil wuxuu qabatimay kolkay Febraayo cir Alle ka bilato in uu mar qudha la saro kaco ‘Bishani waa bishii tolkeen ba’ayey; bishani waa bishii balaayada eey’.[1]

Dhiggaas waxaan ku sigtay in aan ku tilmaamo 22 Nofembar 2013, oo aan in kamid ah warbaahinta Soomaalida ka dheehday in Magaalada Jigjiga Taalo bilicsan looga taagay Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Kama boodin maamuuska Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaanse qabaa in Sayidku istaahilo in aan taalo oo kaliya looga taagin magaaldaa Jigjiga balse wuxuu mudanku ahaa in hamigii Sayid Maxamed Cabdille Xasan Jigjiga iyo dhammaan geyiga Soomaali Galbeed lagu sabaalayo. Waxay markaa irdhada aan qaaday daarantahay darxumada dadka Soomaali Galbeed la itaal daran yahay ee ay ka dhexleen gumaysiga la soo factirsaday iyo sida sooyaalkii ay dugsanayeen islamarkaasna waaceensiga u ahaa loo dhalan duwayo, indhaha makastana loogu khaldayo si looga dalfiyo hilinkii baadida Soomaali Galbeed ku halowday iyo tiigsiga gobonimo taam ah oo lagu afmeero geyiga Soomaali Galbeed.
In badan, ayaa markay maqlaan waxaa Taalo looga taagay Jigjiga Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa maankooda ku soo degdegaysa hadafka ay bixinayso taalada laga qotomiyey magaalada Jigjiga. In kamid ah dadka daneeya baxnaanada sooyaalkii tognaa ee Daraawiish, waxaa la arkaa in ay u soo baxdo ibbo-fur horleh oo lagu boobay sooyaalkii tognaa ee hoggaamiyihii Daraawiish iyo dhaxalkii maguuraha ahaa ee ay kaga tageen geyiga Soomaalida. Sawirkaasi waxaa barbar-ool u noqon kara mid raqiis ah oo Jigjiga gumaysiga ka arrimiyaa suuqgaynayo: ifafaale ugub oo lagu soo noolaynayo Taariikhda Sayid Maxamed Cabdille Xasan
Waxaa hubanti ah in Sayid Maxamed Cabdille Xasan ahaa waddani gobonimo doon ah halka Jigjigada maanta looga dhaqmo dhammaan wixii Sayid Maxamed ku dhiiri-galiyey in boobaha uu qaato si uu u suuliyo dulmigii waqtigaas dareenkiisa gilgilay. Waxaa marka muhiim ah in la isla fahmo Jigjiga halkay Sayid Maxamed Cabdille Xasan ka hawaysatay in ay ka sirwac-raaci karto?

4tii Abriil, 2013 waxaa sidoo kale Magaalada Jigjiga laga dhisay taalo kale oo lagu maamuusayo Meles Zenawi. Zenawi wuxuu ku dhashay Magaalda Adwa ee gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga fog ee Itoobiya. Ilaa haatan, Jigjiga waa goobtii ugu horreysay ee Meles Zenawi taalo looga dhiso markaad si duud qaad ah Itoobiya u eego. Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Meles Zenawi kasokow in ay ka soo wadajeedaan gobolka Geeska Afrika, waxay ahaayeen niman kala xanbaarsan hadafyo isku liddi ah oo midba midka kale seef in uu halbowlaha kala haleelo la goodahayo.
Sayid Maxamed in uu Meles Zenawi Jigjiga kula mataanoobo ma’aha waxay qaadan karto garashada fayow ee Soomaalida Geeska Afrika. Waxaa halkaas marka lagu simayaa taariikhda gobonimodoon ee la hal-maayasha Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo midda Zenawi ee qotoda u sii aastay baadidii Sayidku u sahay qaatay. Dhinaca kale, iyada oo nabarradii laf gaadhka ahaa Meles Zenawi dadka Soomaali Galbeed u gaystay wali sii balbalayaan, waxaan la qaadan karin sidoo kale in Jigjiga ay noqoto goobtii ugu horaysay ee Meles Zenawi lagaga dhigo halyey waxtar u lahaa dadka Soomaali Galbeed. Waxaa hubaal ah in aysan Jigjiga wada marti galin karin qadiyaddii dhumaca waynayd ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo damaca xanuunka badan reebay ee Meles Zenawi gadhwadeenka u ahaa ee Soomaali Galbeed taxadka hoose gaadhsiiyey ilaa haatana aysan haynin tamar iyo tawaawac ay kaga soo kaban doonto.
La hubsay oo Gorayo Haad noqon wayday
Sabab mug leh oo hor joogsan kartaayi majirto in taariikhdii ma guurtada ahayd ee Soomaalida Geeska Afrika cayn-wareeg ku yimid. Si guud haba u dhafoor xumaato, hana ku kala durugsanaato degalka ay gaarka u leedahay Soomaalidu, gaag baa u soo hadhi lahaa haddii ay ka siman tahay baxnaanada Taariikhda ma guurtada ah ee ay xardheen halyeyadii u horay waxkasta oo ay jeclaayeen. Waxaase mudanku yahay in tixraaca cayn-wareegaas dib loo milicsado si loo hubsado halka nusqaantu taariikhda Soomaalida kaga timid oo u muuqata in aan heensaheedii wali la qaadin.
Soomaalida siyaabo badan ayuu xanuun lafgaadh ah u haleelay: Qarankii alhuumo aan oday ka sheekayn baa haleeshay, Qadiyaddii Soomaali weyn duug iyo mid aan haaneedkaba la hayn, hiigsigii isla weynida ku dhisnaa ee Soomaalidu hoos u foorarsi ayuu miciinsaday, Waddankii Soomaaliyeed oo u kala furfurmay ‘Goballo’ dantikoosh caynaanka u hayo, waxay ka mid tahay waaga cusub ee ka beryey geyiga Soomaalida maanta.
Garab iyo garawsho aad heshaa kaa hadhane, markaad goleyaasha ka haasawdo haddii lagugu barto soo qaadka qadiyadaha duugga ah sida Soomaalid Galbeed- oo halyeeyo badan lagu waayey- waxaa la arkaa in aad dad badan ugu muuqato qof dadka ka danbeeya oo baadi aan sawrac fiican lagu aqoon raadinaya, dadkana u tumayaa durbaan aan hiigsi hufan lahayn. Daris wanaag’ iyo saaxiib qadiim ah aan ka dhigano waxay tahay dooda joogtada ah ee beryahan danbe soo ifbaxday.
Gorayo iyo Haad Shimbaraha lagu kala magacaabo waxaay ugu muuqan karaan qofkii aan aqoon durugsan u lahayn in ay isla halmaali karaan ama ay isku qaab dhaw yihiin marka muuqaalkooda sheeda kore laga dhawro. Sidaas si lamid ah Sayid Maxamed Cabdille Xasan taalada looga taagay magaalada Jigjiga marnaba la meeqaam sinnaan mayso Jigjiga oo xor ah mid lagu maamuuso sooyaalkii Sayid Maxamed. Waxaa budo-caydhiin ku sii daray mashaqadaas boobka dhalan-rogga sooyaalka Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo dhammaan ifafaalaha gobonimodoonka Soomali Galbeed, markay Jigjiga Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Meles Zenawi isku meeqaan joojisay. wadaajisayna taalooyin midba cidhif Jigjiga ka soo dhawrayso. Waxaa hubanti ah in labadan taalo midood tahay ‘Gandaal’ xadhko hoosta ka meegaran wata.
W.Q. Bashiir Yuusuf
Email: bashir.y.farah@gmail.com
[1] doollo.com
Leave a Reply