Jigjiga oo Maanta Deggan Rabshadihii Shalay Ka Dib

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa maanta laga soo sheegayaa degganaansho ka dib markii ay maalintii shalay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata oo ay dad ku dhinteen.

Wararka maanta naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay magaalada hadda ammaankeeda sugayaan ciidamada Liyuu Booliiska ee ka amar qaata madaxweyne Cabdi Ilay iyado ciiddamadii Federaalka ee maalintii shalay soo galay magaaladu ay gebi ahaanba ka baxeen.

Warar aanan si madaxbannaan u xaqiijin karin ayaa sheegaya in ilaa tobaneeyo qof ay ku nafwaayeen rabashdihii shalay ka dhacay magaalada Jigjiga.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in maleeshiyada Oromadu ay dagaallo hor leh ku soo qaadeen qaybo ka mid ah deegaannada beesha Geri koombe ee Tulii Guuleed oo bilihii ugu dambeeyay ay weerarro ku hayeen ciidamada iyo maleeshiyaadka Oramadu.

Dhanka kale magaalada Dirdhaba ayaa iyana la sheegayaa in uu dagaal ku dhexmaray shacabka Soomaalida iyo Oromada iyadoo ay cabsi weynina halkaas ka jirto oo aanay dadku guryahooda ka soo bixi karin. Wararka qaar ayaa sheegaya in isusocodkii gaadiidka ee Jigjiga iyo Dirdhaba uu xayiranaa ilaa shalay inkastoo aanaan xaqiijin karin in hadda dib loo furay.

Khadka Internetka ayaa isna weli ka maqan guud ahaanba deegaanka Soomaalida oo ay ku jirto magaalada Dirdhaba inkastoo biyihii iyo korontadii oo maalintii shalay laga gooyay Jigjiga hadda soo laabteen.

WardheerNews