
Jigjiga, Waxaa xayiran maalintii labaad ganacsigii iyo guud ahaanba dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo dadka ee Jidadka waaweyn ee magaalo madaxda deegaanka Soomaalida ee Jigjiga iyadoo gebi ahaanba magaalada ay hafiyeen Amxaarada Kiristaanka ah ee u dabbaal-degaya munaasibad diineedka Timkat oo ay xusaan sannad walba.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka siiba caasimadda ayay yaab iyo amakaag ku noqotay qaabka ay dawladdu u maamushay dhacdadan iyagoo magaaladoodii ku noqday marti islamarkaana aanay dad badan oo danyar Soomaliyeed ah oo nolol maalmeedkooda kala soo bixi jiray suuqa aanay u suurtogelin arrintaasi.
Waxaa la sheegayaa in dadka suuqa ku ganacsada iyo gaadiidleyda dadka qaada siiba Bajaajleyda ay dhibaato weyn ka soo gaadhay xayiraadda iyadoo gaadiidleyda qaarkood lagu arkayay iyagoo dantu baday in ay maraan meelo aan jidad ahayn oo boholo iyo bacaad badan.
Wararka aan helayno ayaa waxay intaa ku darayaan in dadka Soomaaliyeed ee ka soo agdhawaada goobaha ay amxaardu ku dabbaal-degayso in loola dhaqmayo si bahdillaad iyo foolxumo badani ka muuqato.

Arrimahan oo ilaa maalintii shalay ay dadku aad u hadalhayeen, baraha bulshadana ku falanqaynayeen ayaa noqday wax aad loola yaabo in dadka Soomaaliyeed ee deegaanka nolol maalmeedkooda sidaa loo xayiro si loogu raaligeliyo shacab Kiristaan ah oo marti ku ah deegaanka.
Dhanka kale xagjirayaasha Amxaarada oo iyagu aad ula dhacsan arrintan ayaa bogaadin iyo amaan ku miisay kusimaha madaxweyaha deegaanka Soomaalida Md. Mustafe Muxumed Cumar oo ay iyagu ugu yeedheen guddoomiyaha gobollada Bariga Itoobiya taasi oo muujinaysa sida aanay u aaminsanayn nidaamka ismaamulka qawmiyadaha ee ka jira Itoobiya.
Dhawaan ayay ahayd markii ay dad Amxaaro ahi dab qabadsiiyeen Masaajido iyo goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad muslimiin ah oo ku nool deegaanka Amxaarada.
Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka oo arrintaas si aad ah uga gilgishay ayaa dibadbax nabadeed oo aad u balaadhan ka dhigay magaalada Jigjiga bishii Disambar 24keedii sannadkii aan ka soo gudubnay.
Waxaa la yaab lahayd in iyadoo aan wax rabshad ahi ka dhicin dibadbaxaas in hay’adaha ammaanka ee deegaanku ay xidhxidheen dad boqol ku dhow islamrkaana ay rasaas ku dileen wiil yar oo 13 jir ah oo aan waxba galabsan.
Ilaa hadda ma jirto cid sharciga loo horkeenay dhimashada wiilkaas iyadoo sidoo kale aanay wax raaligelin iyo magdhaw toona helin waalidkii wiilkaas dhalay oo ah dad dan yar ah.
Dad badan ayaa aaminsan in maamulka hadda ka arrimiya deegaanku uu lumiyay guud ahaanba kalsoonidii shacabka iyadoo la saadaalinayo in haddii ay doorashada la filayo in bisha Agoosto ay ka qabsoonto dalka Itoobiya u dhacdo si xor iyo xalaal ah in looga guulaysan doono xisbiga Abiya Axmed hoggaamiyo ee uu dhawaan ku milmay xisbigii kelida ku ahaa talada deegaanku.
Dabbaadegyada Kiristaanka ee qabsaday magaalada Jigjiga ayaa la filayaa in ay dhawrka maalmood ee foodda innagu soo ahaya halkaa ka sii socdaan.
WardheerNews
Leave a Reply