Jigjiga oo ay ka jirto xaalad cabsi iyo Barakac

Jigjiga oo ay ka jirto xaalad cabsi iyo Barakac

Hargeysa (WDN)- Iyada oo ay Dowldda Dhexe ee Itoobiya, bishan Oogost 5-dii gabi ahaanba ka jartay isgaarsiintii iyo Khadka Internet-ka Deegaanka Soomaalida,  ayaa wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, sheegayaa in aad looga cabsi qabo isku horimaad ka dhex dhaca Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka Itoobiya oo Oromo u badan, oo si aad ah u soo buux dhaafiyay magaalada iyo kuwa Ismaamulka DDS. Dad aad u tiro badan ayaa la sheegay in ay u qaxeen oo ay maanta iyo ilaa shalay soo gaadhayeen magaalada Tog-Wajaale ee xuduudka maamulka Soomaaliland.

Ciidamada Federaalka ayaa aad iskugu dayaya in ay xinibaan dhaqdhaqaaqa dadka, iyaga oo ka cabsi qaba barakac xooggan in uu ka dhaco Jigjiga.

RW Abiy Axmed iyo Lemma Mengesa

Dad ka tirsan qaxootigaais ka soo barakacay Jigjiga oo WardheerNews uga waramay xaaladdooda iyo guud ahaan jawiga Jigjiga, ayaa sheegay in dadka qaxootigu uu aad u soo kordhayo, iyadoo qof kastaa uu reerkiisa iyo naftiisa isku dayayo in uu ula cararro goob nabadeed, islamarkaana ay hadda Jigjiga ku jirto xaalad dagaal.

Iyaga oo ka waramaya daruufta dadka soo qaxay iyo kawa wali ku sugan Jigjiga , waxa ay sheegeen in ay heyso raashin la’aan  iyo biyo la’aan, islamarkaana xaaladu ka sii dari doonto haddi uu qaxootigu sii socdo oo kordho. oo aanay wax iska badalin jawiga magaalada Jigjiga iyo guud ahaan deegaanka Soomaalida.

Isbadalkii xukuumadda Federaalka Itoobiya ka dhacay bishii Abril, ee 2018, ayaa iyadoo si fiican looga soo dhaweeyay dhamaan Itoobiya, haddana dagaalada dhul blaadhsiga ah ee ay qowmiyada Oromadu ku heyso Soomaalida, iyada oo taageero buuxda ka haysata Ismaaulka Oramada, uu keenay iska horimaad xooggan oo dhex mara Soomaalida, gaar ahaan beelaha deggan xuduudka ( Ciise, Geri , Garre iyo beelo kaleeto oo Soomaaliyeed) iyo Oramada.

Dhul balaadhsiga Oramada oo horey ay in badan isku dayeen, ayaa hadda ay firsad u siisay markii uu Abiy Axmed xukunka Itoobiya la waerregay, isaga oo gacan saar wacan la leh Madaxweynaha Ismaamulka Oramada Lemma Megersa.

Inkasta oo ay Soomaalidu had iyo jeer dad iskugu jira Culimo, Oday Dhaqameedyo iyo Wax garad-ba, ay ka hadlaan in la dejiyo xiisadda, islamarkaana la dhowro dadka shacabka Oramada ah ee ku dhex nool Soomaalida, balse ilaa iyo hadda ma jiro fariimo kuwaa la mid ah oo ka yimaada madaxda iyo siyaasiyiinta Oramada oo ka dhiidhiyaya dilka iyo dhaca lagu hayo Soomaalida.

Odey dhaqameedyada iyo wax-garadka Ismaaulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa ugu baaqay in Madaxda Itoobiya ay joojiso taageerada Indho la’aanta ee ay u fidineyso Oromada, ilsmarkaana xil gaar ah iska saarto sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka sii darayso ee Ismaamulka Soomaalida, iyada oo talo gelinaysa dadka Soomaaliyeed ee deegaankaasi.

Waxa xusid muddan in Madaxwenihii  hore ee Ismaamulka deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay), oo maqaar saar u ahaa maamulkii hore ee Tigrey-ga, islamarkaana ka mas’uul ahaa dil, dhac iyo cabudhin badan oo loo geystay shacbiga Deegaanka Somaalidia ,  ayaa dhawaan ciidamada Federaalku ay ka kaxaysteen xero ay leeyihiin ciidamada Liyuu Booliiska oo uu ku sugnaa tan iyo intii ay rabshaduhu ka taagnaayeen magaalada Jigjiga. Wali lama hayo war sugan oo ku saabsan goobta uu ku dambeeyay.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.