Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Jigjiga: Nin Mas’uul Ka Tirsan Deegaanka Wax Ka Sheegay oo Xabsiga La dhigay

Jigjiga, Waxaa maalintii shalay xabsiga loo taxaabay Adan Basey oo ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga ka dib markii uu bartiisa FB ku soo qoray eedeyn uu u jeediyay Wasiirka Madaxtooyada maamulka Mustafe cagjar, kuna tilmaamay nin faraha kula jira musuqmaasuq.

Amarka xadhiga muwaadinkan ayaa la sheegayaa in uu amray Kusime madaxweyne Mustafe Cagjar ka dib markii uu arrinata cabasho ka muujiyay wasiirka madaxtooyadu Md. Xasan Daadhi.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in qaraabada ninka la xidhay loo sheegay in arrinka looga gol-leeyahay in lagu maslaxo wasiirka ee la soo deyn doono saddex maalmood ka dib.

Maxbuuska ayaa la sheegayaa in saaka loo diiday in cuntadii loo keenay loo gudbiyo iyadoo qaraabadiisu sheegeeen in ay aad uga warwarsan yihiin in jidhdil loo geystay iyo dhibaatooyin kale.

Ilaa hadda dhan maamulka Jigjiga wax hadal ah kama soosaarin dhacdadan.

Waxaa la yaab leh in mudaawin lagu xadgudbo xuquuqdiisa dastuuriga ah si loogu raaligeliyo mas’uul xil u haya ummadda.

Maamulka Cagjar ayaa aalaaba lagu eedeeyaa in uu xadhkaha goostay musuqmaasuaqa iyo boobka hantida ummadda iyadoo uu xaalku hadda marayo meel aan waxba laga qaban karin maadaama aanu jirin mas’uul ka fayaw musuqmaasuqa madaxweyne ilaa guddoomiye xaafadeed.

Taliskii Mujrimkii Cabdi Ilay ayaa lagu xasuustaa falalka noocan ah iyo xadhiga ciddii wax dhaliil ah ugu soo qorta baraha bulshada iyadoo hadda xaalku u muuqato in maamulka cagjar uu cagta saaray dhabbihii lagu halaagmay ee Cabdi Ilay.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.