Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Jigjiga: Dhalinyaro Timaha Qasab Lagaga Xiiray

Jigjiga, Askar ka tirsan booliska Deegaanka Soomaalida oo la sheegay in dhawaan la hawlgeliyay, ka dib markii ay soo dhammaysyeen tababarkoodii, ayaa maanta suuqyada magaalada Jigjiga lagu arkay iyagoo maqasyo sita, dhalinyaradana timaha qasab uga jaraya.

Muuqaallo saacadihii aan soo dhaafnay lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa la arkayay booliskaas oo si bahdilaad iyo foolxumo weyni ka muuqato ula dhaqmaya dhalinyaradaas aan waxba galabsan, qofkii hadal ka keena falkaasna dharbaaxo la dhacaya qasabna timaha kaga jaraya.

Arrintan ay ku kaceen booliska deegaanku ayay dadku aad ula yaabeen maadaama hawlo ka muhiimsan ay u yaallaan boolisku in ay wakhtigooda qaaliga ah ku lumiyaan bahdilka iyo timokajaris qasab ah oo ay kula kacaan dhalinyar aan wax dembi ah oo ay galeen aanu jirin.

Adeegayaasha xaafadeysan ee dhinaca ammaanka ugu qaabilsan maamulka kusime Mustafe Cagjar, ayaa iyagu u muuqda kuwo ku guuldarraystay shaqadii ay u hayeen shacabka deegaanka ee sugidda nabadgelyada nafta iyo hantida muwaadinka iyadoo aan ogeyn dhibaatootooyinka soo noqnoqda ee xasuuqa, dilka iyo dhaca ah ee ay maleeshiyoonka Canfarta iyo Oromadu ka geystaan Galbeedka Siti iyo degmada Tulli Guuleed.

“Ma ahan wax aan uga fadhinay in booliska deegaanku ku mashquulo timaha dhallinyarada ee waxaan ka sugaynay in ay badbaadiyaan shacabka maalin walba dilka iyo dhaca ay ku hayaan Canfarta iyo Oromadu”, sidaa waxaa yidhi odey Soomaaliyeed oo deggan magaalada Jigjiga oo ay WDN wax ka weydiisay arrintan.

“In wixii dhaqankeena suubban ee ay salka u tahay diinteena muqaddaska ahi laga hortagaa ma xuma haseyeeshee in boolisku shaqo ka dhigto bahdilidda ubad aan waxba galabsan waa arrin garab marsan shaqada iyo adeegga uu boolisku u hayo shacabka”, waxaa isna sidaa u sheegay WDN mid ka mid ah aqoonyahanka deegaanka Soomaalida.

Waxaa la yaab leh in kusimaha madaxweynaha deegaanku Mustafe Cagjar aanu wax dhib ah u arag in adeegayaashiisu ay ku kacaan fawaaxishta ay diinteenu reebtay iyo falal dhaqan xumo ah iyagoo adeegsanaya hantida ummadda sida gawaadhida dawladda, halka dhanka kale ubad aan wax dambi ah gaysan booliskiisu bahdillaad iyo tima ka jarid kula kacayaan iyagoo ugu marmarsiiyoonaya dhaqan xumo.

Inkastoo uu Taliska booliska deegaanku raaligelin ka bixiyay falkaas ay ku kaceen boolisku haddana arrintani waa mid inoo muujinaysa fashilka hay’adaha nabadgelyada deegaanka heerarkooda kala geddisan.

WardheerNews, Jigjiga.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.