Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan sagootin ah kula qaatey ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey James Swan maadaama ay soo idlaadey shaqadii diblomaasiyadeed ee dalka uu u joogay.

Danjire James Swan ayaa madaxweyne Xasan uga mahadceliyey kulankaan sagootinta waxa uuna tilmaamay in dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay u muujiyeen wada shaqayn intii uu ku gudo jirey gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmadey isagoo umadda Soomaaliyeed u rajeeyey horumar iyo nabad .
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku biogaadiyey Danjire James Swan kaalinka uu ka qaatey dadaaladda gurmadka abaaraha, nabadeynta,dib u heshiisiinta dalka iyo hawlgalada lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee dalka ku sugan .
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in dawladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee u kala dhaxeeya dalalka aduunka iyo hay’adaha caalamiga kaasi oo ku salaysan iskaashi wax wada qabsi ah.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho