Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Jagada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo lagu wado in qof ajnabi ah la siiyo

Muqdisho (WDN)- Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in jagada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, lagu wado in la siiyo qof ajnabi ah, oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Jagada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, oo sida xeerka dastuurku dhigayo lagu magacaabo wareegto Madaxweyne, ayaa haddii loo qaato qof ajnabi ah baalmarsan dastuurka Soomaaliya. Iyada oo ay taasi ku caddahay dastuurka Soomaaliya, ayaa haddana jagada lagu faafiyay warsidayaasha iyo Baraha Bulshada, oo loo soo bandhigay fursadda shaqo Soomaali iyo Ajaaniba.

Wararka ayaa sheegaya in dad badan oo Soomaali ah oo aqoon durugsan u leh arrimaha Dhaqaaaha iyo howlaha Bangiga Dhexe, ay soo codsadeen shaqadaasi, ayna soo gaadheen heerka u dambeysa ee tartanka ama xulista (short list). Ayaa haddana Nigel Roberts lagu wadaa in la siiyo jagadaasi.

Md. Roberts khibradiisa iyo aqoontiisu ay tahay Dhaqaalah Beeraha (Agricultural Economist), isaga oo aan dhinaca howlaha Bangiga Dhexe (Monitory and fiscal policies)) aan u lahayn aqoon iyo khibrad toona.

Nigel Robers oo la sheegay in uu shirkadda Soma Oil and Gas, horey uga tirsanaa, islamarkaana ay aad iskugu dhow yihiin RW Kheyre, ayaa si loo siiyo jagadaasi Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, ay Dowladda Farmaajo/Kheyre ay ka codsan doontaa Golaha Baarlamaanka in la waafajiyo Dasuurka oo wax laga badelo, si qof ajnabi ahi u qabto jagadaasi.

Golaha Baarlamaanka, oo ah fadhiid (rubber stamp) gabay howshisii korjoogteyn-ta ahayd, ayaa lagu wadaa in uu ansaxiyo arrinkaasi, si Nigel Robersta u noqdo Gudoomiyaha Bangigia Dhexe ee Soomaaliya.

Dad ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaya in dadka ku soo baxay tartanka xulista, ay u jiraan saddex qof oo Soomaalia ah oo dhammaan aqoon iyo khbrad fiican u leh arrimaha Bangiga, laakiin laga door biday ajnabiga.

Wixii war ah ee ku soo kordha arinkan, waxaanu haddii Eeb idmo, idiinkula socodsiin doonaa wararkayaga dambe.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.