Jadwelka Doorashooyinka Soomaaliya 2016 oo mar kale dib loo dhigay

Jadwelka Doorashooyinka Soomaaliya 2016 oo mar kale dib loo dhigay

Muqdishu (WDN) – War Saxafadeed ay soo saareen Gudiga Doorashooyinka 2016 ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in jadwelkii ay diyaarisay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ), ee ku aadanaa doorashooyinka dadban ee Somaaliya ay dib u dhiggeen.

Jadwelka Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ), ayaa  dhiggayay in doorashooyinka dadban  ee 2016 ay u dhacaan sida hoos ku xusan:

  1. Doorashada xubnaha Aqalka Sare 25-ka Sebtember.
  2. Doorashada xubnaha Golaha Shacabka 25-ka Sebtember – 10-ka Oktoober.
  3. In Xildhibaandda la dhaariyo 20-ka Oktoober.
  4. In la doorto Guddoonka Baarlamaanka 25-ka Oktoober.
  5. Doorashada Madaxweynuhu in ay dhacdo 30-ka Okoober.

War-saxafadeekaasi ay soo saareen Gudiga Doorashooyinku ayaa lugu shaaciyay jadwel hor leh, sida hoos ku xusan in la raaco:

  1. Gudbinta liiska magacyada Aqalka Sare 5ta Oktoober 2016
  2. Doorashada xubnaha Golaha Shacabka Oktoober 23- 10 Nofember
  3. In la doorto Guddoonka Baarlamaanka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare 23-ka Nofember
  4. Doorashada Madaxweynuhu in ay dhacdo 30-ka Nofember

Wali ma cadda in dib u dhigga jadwelka cusub ee doorashooyinka ay guddigu kala tashatay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ) iyo musharixiinta jagadda madaxtinimada Soomaaliya.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.