Jabuuti (WDN)- Dowladda Jabuuti ayaa laashay heshiis ku aadanaa maamulka dekadda Jabuuti, oo ay kula jirtay shirkadda DP World ee laga leeayay dalka Imaaraadka Carabta. Shirkaddaasi oo maamulaysay dekedda caalamiga ah ee Jabuuti.
Sida ay sheegtay Reueters, qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti maalintii Khamiista, ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti ay go’aansatay ka noqoshada heshiiskii ay kula jirtayshirkadda DP World, ka laabashada heshikaasi oo dhaqan galaya isla markuu warkani soo baxay.
Dowladda Jabuuti ayaa ku eedaysay DP in ay ku kacday howla la xhdiidha musumaasuq, oo ka dhan ah sida uu dhigayo heshiiska ay wada galeen lagada geesood.
Dhinaca kale shirkadda DP ayaa sheegtay in amarkaasi ka soo baxay dowladda Jabuuti, ee ay kaga baxeen heshiiska, aanu sharciga waafaqsanayn, loona baahan yaahay in dowladda Jabuuti ay ilaaliso heshiiska ay gashay, oo muujiso wada shaqeyn.
Shirkadda DP ayaa sheegtay in ay dacwad la xiriirta arinkaas ay u gudisay Maxkamadda Caalimaga ee London, ee dhinaca dhexdhexaadinta.
Sjirkadda DP Word, ayaa ah shirkadda ugu weyn adduunka ee maamusha howlaha dekeddaha, islmarlkaana ka wada Soomaaliya heshiiyo hor leh oo ay isku fidinayso.
WardheerNews
Leave a Reply