Israsaaseyn ciidanka dawladda ku dhexmartey Muqdisho oo keentay dhimasho iyo dhaawac

Israsaaseyn ciidanka dawladda ku dhexmartey  Muqdisho oo keentay dhimasho iyo dhaawac

Muqdisho (WDN)- Israsaaseyn dhexmartey ciidamo ka wada tirsan Ciidamada Amaanka ee dawladda federaalka Soomaaliya oo ka dhacdey agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, ayaa sababtey dhimashada 2 qof oo rayid ah iyo mid ka mid ah ciidankii is rasaaseynayey halka tiro intaa ka badanna uu kasoo gaarey dhaawacyo kala duwan.

Iska hor imaadka ayaa yimid ka dib markii 3 askari oo doonayey in ay iska iibiyaan taleefanada gacanta ah oo ay ka soo dhaceen suuq ku yaalla agagaarka Seybiyaano oo ku dhaw isgoyska Banaadir, ayuu uu khilaaf ku dhex marey askar kale oo suuqaasi ku sugan, taasi oo sababtey iska hor imaad xoog leh oo socdey muddo daqiiqado ah.

Lab (2) qof oo rayid ah oo ganacsi ku heysatey goobta israsaaseyntu ka dhacdey iyo mid a mid ah askarta dawladda ayaa halkaasi ku dhintey, halka ay dhaawacyo kala duwan uu soo gaarey shacabkii goobtaasi meheradaha ku lahaa iyo qaar kale gawaari saarnaa.

Goobta iska hor imaadku ka dhacey ayaa ah meel caan ku ah oo lagu iibiyo taleefanada lasoo dhaco, waxaana marwalba ka dhaca iska hor imaad sidaan oo kale ah, oo dhex mara ciidamada amaanka oo ka qaatta lacago baad ah iskuna qabta lacagaha meesha laga qaado.

Laamaha amaanka dawladda federaalka Soomaaliya ayaa falkaasi ka dib goobta soo gaarey, iyaga baaritaano ku aadan ciidamadii ku lugta lahaa shaqaaqada dhacdey ee sababtey dhimashada iyo dhaawaca halkaasi ka bilaabay.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.