Ismaaciil Cumar Gelle iyo Xasan Sheekh oo xarigga ka Jarey Akademiyed gobolleedka Afsoomaaliga – AGA

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaci Cumar Geelle, ayaa maanta xarigga ka jaray Akadeemiye-Gobolleedka Af Soomaaliga ( AGA), oo xarunteeda laga hirgeliyey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ismaaciil Cumar Gelle iyo Xasan Sheekh oo xarigga ka Jarey Akademiyed gobolleedka Afsoomaaliga – AGA

Madaxweyne Xasan  ayaa uga mahad-celiyey  Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka dowladda Jabuuti hirgelinta Akadeemiyad Gobolleedka Af Soomaaliga si jiilasha soo socda loogu keydiyo dhaqanka iyo taariikhda umaddooda Soomaaliyeed, laguna sii horumariyo afkeenna hooyo

Hadal kooban oo uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyey munaasabadda xarig jaridda Akademiyadda ayuu ku yiri ” Af Soomaaligu waa xabagta isu haysa ummadda Soomaaliyeed. Waa diiwaanka keliya ee xanbaarsan dhaqanka, taariikhda iyo aqoonta dhaxalka ahee facba faca kale u soo gudbinayay. Waa summadda iyo baadisoocda aan kaga duwannahay quruumaha kale ee caalamka ku nool”.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhankiisa munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay  faa’iidada ballaaran ee ugu jirta dhammaan dadka Soomaaliyeed  hirgelinta Akadeemiyed Gobolleedka Af Soomaaliga, waxa uuna xusay dadaalka dowladdiisu ay ku bixisay dhismaheeda, maadaama ay xuddun u tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarigga looga jarayey Akademiyed Gobolleedka Afsoomaaliga AGA ayaa ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimey waxaana kasoo qeybgalay raisalwasaare Xamse iyo Golohiisa Wasiirada, Xildhibaanada labada Aqal iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed .

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho