Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Isdubashada Soomaalida

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Fallaadhaha qorraxda ee daaqadda ka soo galaya waa kuwo aad ku indho-daarandaraysid. Marka aad furtidna neecow macaan ayaa ku saaqaysa. Cirku daruur ma leh. Waa maalin qurux badan oo cimiladu ku farxad gelinayso naftuna jeclaysanayso in aad dibadda u baxdo.

Nasibi darro dariiqyadu waa madhanyihihiin oo  cid socotaa ma jirto. Dadka oo dhammi guryahooda ayay ku ooddan yihiin iyagoo xaalad werwer iyo cabdsi leh ku sugan.

Ibtilada cudurka Coronavirus ayaa qaabnololeedkii oo dhan dabagediyay. Qof qof kale la hadlayaa ma jirto, haddii aad dibadda u baxdo oo aad qof iska hortimaaddaana aad buu kaaga fogaanayaa isagoo lafihiisa u baqaya.

Maalin walba galinka dambe waxaa telefoonkayga ku soo dhaca war degdeg ah oo dhiillo xambaarsan. Waa tirokoobka 24kii saac ee ugu dambeeyay inta qof ee u dhimatay cudurka Coronavirus iyo inta uu haleelay dalkan Biritayn.

Waa war naxdin leh, werwer iyo walaacna kugu abuuraya. Waxayse naxdintu si ba’an kuu haleelaysaa marka aad ogtahay in tiradaas ay ku jiraan ehel iyo ashkhaas bulshadaada magac iyo maamuus ku dhex leh. Illeen geeridu nin aanad garayn iyo geeljire ayay ku roontahay.!

Waxa dhagaheena ka batay oo aan maalin walba maqalnaa  tacsida dad Soomaaliyeed  oo cudurkan u dhintay guud ahaanba dunida dacalladeeda. 

Waxaa la isla qiray in Soomaalida uu cudurkani galaaftay siiba waddamada Galbeedka ay aad u badanyihiin marka la isu fiiriyo dadyawga kale ee waddamadaas ku nool iyo boqolkiiba inta Soomaalidu ka tahay. Waa arrin ay warbaahinta caalamku aad uga hadashay lana isweydiiyay sabahteeda.

Dhanka kale Soomaaliya waxay noqotay waddanka calanka u sida guud ahaan dadka uu haleelay cudurkani iyo kuwa u geeriyooday ee dalalka Geeska Afrika iyadoo warwar aad u weynna laga muujinayo dhibaatada uu cudurkani u geysan doono shacabka Soomaaliyeed.

Qoraaga Idiris Maxamed Cali oo saluugsan qaabka ay warbaahintu uga hadashay Soomaalida iyo cudurka Coronavirus ayaa Wardheer`News ku baahiyay qoraal uu cinwaan uga dhigay Dubashada Soomaalida, isagoo si gaar ah u eegaya maqaal af Ingiriis ku soo baxay oo cinwaankiisu ahaa “When Religion and Culture Kill: COVID-19 in the Somali Diaspora Communities in Sweden”.

Haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay habdhaqanka dadka Soomaaliyeed ma loo nisbayn karaa sida baahsan ee uu cudurkani ugu dhex fidayo?

Waa dhab in Soomaalidu tahay dad warbaahinta caalamka si aad ah u soo jiita iyadoo inta badanna uga warranta qaab taban kana faafisa waxyaabo aan jirin. Tusaale ahaan dalka Iswiidhan oo ka mid ah waddamada Soomaali tira badan uu galaaftay cudurkani waxaa la sheegay in mas’uul Iswiidhish ahi warqad uu qoray ku sheegay in Soomaalidu ku qubaysato biyaha maydka lagu dhaqo. Waxaan iyana xasuustaa xilli sii horreysay in magaaladan London uu wargeys qoray isagoo ka hadlayay Damaeero meel xero ah ku jiray oo la xaday in Soomaalida oo uu ku badan xaafaddaas ay caado u leeyihiin in ay cunaan hilibka dameeraha.

Si kastaba ha ahaatee xilligan oo uu dunida aafeeyay cudurka Caronavirus iyo qaabka ay Soomaalidu u dhaqmayso waxaan shaki lahayn in ay sababayaan in wax badan la iska weydiiyo dhaqanka iyo nolosha Soomaalida.

Waxaan nahay walaal iyo ehel aan muddo dheer isarag. Waxaan soo galay irridkii xabaalaha. Islamarkii aan baabuurka ka soo degay ee uu isha qac igu siiyay ayuu igu soo dhaqaaqay, waxaanu ii soo taagay gacanta. “Waar hadda la isma salaamo”, ayaan markiiba la soo booday. Waar waxba micno ma leh intuu yidhi ayuu igu soo booday oo shafka shafka ii saaray.

Waan hubaa in ay isaga ka ahayd jacayl walaaltinimo iyo isu boholyow, haseyeeshee dhanka kale waxaan shaki ku jirin in uu halis geliyay naftiisa iyo taydaba. Guud ahaan Soomaalidii aaska joogtay kala fogaansho iyo taxadar midna kama muuqan. Waxay u ekeyd in wax walba sidii caadiga ahayd ahaayeen.

Waa arrn marag ma doonto ah in Soomaalidu ay dhayalsatay talada dhakhaatiirta ee la xidhiidha sidii la isaga ilaalin lahaa cudurkan halista ah.

Waxaan aragnay haween goob aroos ku xafladaynaya oo booliska Kenya goobaha karantiinka u taxaabay. Dad la karantiimay oo odayaashoodu soo damiinteen. Jigjiga, Hargeysa, Garowe, Xamar iyo magaalooyinka kale ee Soomaalida dhammaantood inkastoo lagu soo rogay xayiraad iyo in la kala fogaado haddana weli waa la isdhex yaacayaa. Inkastoo Masjidkii Xaramka la hakiyay in lagu cibaadaysto haddana weli masaajiddadii Soomaaliya weli waa furanyihiin.

Waxaa arrin yaab leh ahayd oo la ii sheegay in nin Soomaali ah oo uu halleelay cudurka Coronavirus uu ka soo baxsaday Isbitaalkii lagu dabiibayay magaalada London isagoo ku andacoonaya in meesha gaajo loogu bakhtiyayo. Waxaa la sheegay in uu gurigiisii oo carruur iyo xaas u joogaan iska yimid. Ka dib Boolis ayaa soo raadiayay waxaanay ku soo garaaceen gurigii. Wuu ka furay. Markii ay la hadleen ayuu qufac iyo hindhiso ka horkeenay ka dibna lafahooda ayay la baxsadeen. Dhakhaatiir wada daboolan ayaa loo soo diray, baadhitaan ka dib waxay kula taliyeen in aanu qolkiisa ka soo bixin ilaa uu ka bogsanayo. Cuntada qolkiisa ayaa loo hordhigaa, inta lagu garaaco ayaa laga cararaa.

Yay ka suurtageli kartaa dhacdada noocaas ah oo aan Soomaali ahayn. Haddaba ma Soomaalida ayaa la dubtaa mise iyada ayaa isdubata?

Ma qabo in Soomaalida ay xilligan hayso war la’aan iyo aqoon darro la xidhiidha cudurkan iyo sida loo xakamaynkaro, loogana badbaadi karo khatartiisa maadaama ay warbaahintu maqal, muuqaal iyo daabacaadba ay horumartay, wacyigelinta bulshadana si aad ah looga baahiyo.

Waddamadii adduunka hoggaanka u hayay dhaqaale ahaan iyo Teknoolajiyaba ayaan arkaynaa dhibaatada uu u geystay cudurkani ee maxaad ka fili kartaa Soomaaliya oo dhinac walba ka burbursan.

Walaaca laga muujinayo xaaladda Soomaaliya ee cudurka Coronavirus waa mid aan la dhayalsan karin. Waxaa lagamamaarmaan ah in shacabku u hoggaansamaan talada la siinayo si loo xakameeyo cudurka.

Waxaan shaki lahayn in dhaga-adayga iyo dhayalsiga Soomaalida ee cudurkani ay sabab u noqon doonto in uu gallaafto dad badan oo ay naftooda ku waayaan.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.