Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Isbedellada nololeed ee barakacayaasha Doolow kadib sannado badan oo barakacnimo

(ERGO) – Isbedello dhinaca nolosha ah ayaa ku yimi in badan oo ka mid ah qoysaskii sannado ka hor barakaca ku tegay degmada ku taal xuuduudda ee Doolow. Isbedelladan oo ah in qaarkood sameeyeen horumar dhinaca nolosha ah waxaa ugu wacan barakacayaasha oo ka faa’iidaystay fursado ganacsi iyo hal abuuro ay ka miro-dhaliyeen, si ay isaga filnaandaan ku tiirsanaanta hay’adaha gargaarka ee taageera barakacayaasha.

Lakaay Sheekh Cabdiraxmaan oo ah hooyo 43 jir ah waxay Doolow ku korisaa saggaal carruur ah, iyadoo siddeed sano ka hor markii ay barakac ku tagtay halkaas ka bilawday shaqo ah in ay xaabada ka soo gurto duurka ku dhow degmada, wakhtigaas qoyskeeda xataa waa ku adkayd in ay helaan wax ay karsadaan. Iminka waxay Lakaay iibisaa khudaarta jumlada oo looga keeno meelo kala duwan, waxayna leedahay bakhaar ay ku tiirsan yihiin ilaa 32 kale oo haween ah oo iyada ka hela qudaartii ay tafaariiq ahaan suuqa ugu sii iibin lahaayeen maalin walba.

Kalaay Cabdiraxmaan oo dukaankeeda joogta /Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

“Kow moos la gadaayo oo la wareejinaayo Doolow Soomaaliya anaa bilaabay, ka bacdi al-xamdulilaahi hada qudaarta jumlada ah ayaa iisoo dagto”

Heerka ganacsi ee ay xilligan joogto waxay ku soo gaartay marxalado kala duwan iyo nolol adag oo ay ku soo martay xerada barakaca ee ay ku jirtay mudada dheer, iyadoo xoogaa lacag ah ka dhigi jirtay wixii ka soo gala shaqadii ugu horraysay ee ay Doolow ka qabato intaysan ku biirin suuqa qudaarta, taas oo ahayd xaabada oo ay u iib-geyn jirtay dhinaca Doolow Itoobiya, waxaana markaas hadafkeedu ahaa in ay maarayso uun nolol maalka carruurteeda oo iyada ku tiirsanaa, marka laga yimaado taagerada hay’adaha gargaarka ee aan joogtada ahayn.

Lakaay waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in abaar ku heshay miyiga Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ay ka dishay 40 neef oo lo’a sannadkii 2012, sidaasna ay ku dooratay nolosha barakaca ee ay ku gashay magaaladan xadka ku taala ee Doolow ee gobolka Gedo oo aad uga fog halka ay ka soo carartay. Laakay oo carruurtu wax uga bartaan iskuulo xerada ku dhexyaal oo bilaash waxay xilligan xoogga saartaa oo keliya in ay ganacsigeeda sii ballaariso iyo in ay qoyskeeda u dhisto hoy rasmi ah oo ay kaga baxaan barakacnimada.

In ku dhow 10,000 qoys ayaa deggan xeryaha barakacayaasha Doolow, dhalinyaro badan oo maanta qayb ka ah isbedelka horumarineed ayaana xeryahaas tegay sannado ka hor iyaga oo carruur ah.

Maxamuud Cabdi Maxamed oo bartay dhaqaalaha kuna sugan Doolow ayaa u arka dadka tirada badan ee barakaca ku yimi magaalada in ay saamayn wanaagsan ku yeesheen hab-nololeedka guud bulshada iyo xataa ganacsiga Doolow iyagoo ku milmay suuqyada waa weyn. Wuxuu tusaale u soo qaatay meelaha ay barakacayaasha deggan yihiin oo hadda u muuqda in ay ka dhex furmeen suuqyo waa weyn oo ganacsiga ka socda uuba ka xiiso badan yahay kan magaalada.

“Xeryaha marka aad fiirisid jimlooyinka, qudaarta, gaariyaasha socda marka aad fiirisid ood dhex-qaadid magaaladaan waxaad is dhahaysaa show magaaladii weynayd waaye waxa saan u soo guuray”

Cabdiqaadir Aadan Cali oo 27 jir ah waxaa isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban lix qof ay lix sano ka hor ka soo barakeceen dhibaato ka dhalatay abaaraha Bardaale oo ka tirsan gobolka Baay, wuxuu xilligan magaalada ka furtay dukaan lagu iibiyo dharka iyo kabaha jumlada iyo tafaariiqda ah oo uu si adag u maalgeliyay labadii sano ee ugu dambeeyay, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu mudo dheer ka shaqaynayay makhaayad yar oo iibisa saanbuuska oo uu ka heli jiray $2.5, wixii uu halkaas ka aruursadayna uu ku bilaabay ganacsigiisan gaamuray.

“Ganacsi khaas ii ah baan bilaabey al-xamdulilaah meel yaraan ka soo bilaabey hadana waxaa uu ii maraaya meel dheer”

Laba kale oo dhalinyaro oo qoysaskoodu barakac ku yimaadeen ayaa iminka ka shaqeeya carwadda Cabdulqaadir oo hadda bedelay noloshiisii. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu si weyn u taageero qoyskooda isla markaasna uu reer dhistay.

Dhalinyarada barakaca ahaa ee iminka ka dhex muuqda suuqyada Doolow, qaarkood waxay ka faa’iidaysteen fursado waxbarashada farsamada gacanta ah oo ay noloshooda ku bedeleen, sida Guuleed Shaafici Maxamuud 24 jir ah, waxaa isaga iyo qoyskiisuba ku nool yihiin kaamka barakac ee Bulukeetiga ee degmada Doolow, halkaas oo ay siddeed sano ka hor galeen, laakiin wuxuu isagu sannadkii u dambeeyay oo dhan ku mashquulsanaa dukaan lagu farsameeyo mobillada oo uu hirgeliyay, kaas oo uu hadda ku soo kordhiyay qayb mobillada lagu iibiyo.

Waa halka uu doonayo in uu wax kaga bedelo nolosha barakaca mudada dheer ee qoyskiisa. “Moobillada kala duwan waan soo bartay sida loo cillad-bixiyo, heerkaasna hadda waxaan kusoo gaaray farsamadii la I soo baray”

Xigasho: Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.