Isbedel lagu sameeyay Taliska Xoogga dalka, Nabad Sugida, Booliska iyo Gobolka Banaadir

Isbedel lagu sameeyay Taliska Xoogga dalka, Nabad Sugida, Booliska iyo Gobolka Banaadir

Muqdishu (WDN)- Kulan ay yeesheen Golaha Wasiiradda oo ahaa kii labaad oo ay yeeshaan tan iyo markii ay heleen codka kalsoonida Baarlamaanka Soonmaaliya, ayaa lagu magacaabay taliyayaasha Ciidanka Xooga Dalka Booliska iyo Nabadsugida iyo Maamulka Gobalka Banaadir

Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay xilkan u soo qabtay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime iyo Agaasime xigeenka Madaxtooyada. Waxa uu ahaa Taabid aad ah ugu dhawaa madaxweynahii hore ee Soomaaliya Md. Xasan Sheekh, sidoo kale xilkaan ayaa ahaa mid la saadaalinaayay

Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa in xilka Taliyaha ciidanka Booliska loo magacaabay Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid).

Wixii Faafaahin ah oo ku soo kordha kula soco wararkeena dambe.

Maxamed Nuur Amiin

Wardheernews Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.