Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Inj. Yariisow oo Maanta lagu Aasay Muqdisho

Muqdisho, Maydkii Alle naxiistii janno ha siiyee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ahaa Duqa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo maanta dib loogu soo celiyay dalka ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Madaxda ugu sareysa dawladda Soomaaliya oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaaddi Jinaasada ku tukaday maydka marxuumka ka dib markii laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Marxuumka oo lagu aasay Dugsiga Tababarka Booliska ee Muqdisho ayaa ay halkaasi ku sugnaayeen madaxda kala duwan ee qaybaha dawladda Soomaaliya marka laga reebo madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in arrimo la xidhiidha dhinaca amniga awgeed uu uga baaqday goobta uu aasku ka dhacay.

Marxuum yariisaw ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay qarax argagixiso oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir xilli uu halkaas shir uga socday isagoo dhakhaatiirtu ku tacaalayeen Isbitaal ku yaal dalka Qatar.

Dawladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda war sugan oo lagu qanco ka soo saarin qaabkii uu u dhacay qaraxaasi iyadoo warar iskhilaafsani ka soo baxayaan arrintaas.

Ururka argagixisada ee Alshabaab oo isagu sheegtay in ay ka dambeeyeen qaraxaas ayaa sheegay in uu ka dhashay walxaha qarxaha oo ay ku rakibeen goobta lagu shirayay.

Warar kale ayaa iyana tibaaxaya in ay goobta isku qarxisay haweeyan indhola’ oo ka mid ahayd dadkii shirka ka qaybgalayay.

Si kastaba ha haatee arrintan qaraxaas ayaa wajigabax ku noqday dawladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda amniga oo ku guuldarraystay sugidda amniga Muqdisho iyadoo dhawaanahan ay qaraxyo ismiidaamin ah ay ka fulinayeen magaalada ururka Alshabaab halka ay dawladdu ku mashquulsanayd burburinta nidaamka federaalka iyo maamul-goboleedyada.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.