Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

JIIFTO: TUSAN

W.T. Idiris M. Cali

Tixdani waxa ay la hadlaysaa qof kasta oo innaga mid ah oo ay daashatay tegnoolajiyadda casriga ahi, gaar ahaan adeegyada aynu ugu yeerno, “baraha bulshada.” Shaki ma leh in adeegyadani sida shilinta wakhtiga inooga jaqaan, waaba waxa loo samaystay!, misana iskama fujin karno oo waannu la qabsannay, halkaas oo aynu ku noqonnay guuldarraystayaal laga jil roonaaday. Waayo, siduu 1998-kii ku khudbeeyay Niil Boosman, guulaystayaashu waa dadka inoo soo hindisa agabka ay tegnoolajiyadda casriga ahi ku fusho.

Markaan u fiirsaday sida aynaan uga gaashaaman tegnoolajiyaddan seefta ah, waxaan tiriyay tixdan aan qoray 28-Abriil-2019. Markii hore si kaftan ah ayaan tixda ku bilaabay, oo waa waxa ay ugu dhex filiqsan yihiin ereyada la madoobeeyay ee Ingiriisiga ah oo aan islahaa ku tirakoob uun adeegyada “baraha bulshada,” balse markii dambe waxay soo baxday, sida ay ila tahay, tix dhabiiltan ah. Akhristayaasha ayaana qiimayn doona arrintaas iyo arrimaha kale ee ay tixdu marinayso. Waxay tiri:

Tix haddeer laguu lisay 

Tusan loogu magac daray

Toobkaha ka buuxsoo

Tartiib shifo ku wada laac

Wixii tegay qof aan baran

Waxa taagan muu garan

Timaaddada u muu dhigan

Waxtar loogu tammadiyo 

Haddii beri sankoo tolan

Tunka layska raran jiray

Qodxo teedsan awgood

Tirtirsiintu may harin

Is addoonsi lama tirin

Ee tadawur buu galay

Waxa too ka marag kacay

Teknoloojigaan cusub

War bal eeg tiriiliyan

Aad taano ku lahayn

Zakarbeerka tuushiyo

Toban kalena qaataan!

Waxa taas ka sii daran

Tin-tin bay xogtaadaba

U tusaan shirkado raba

Oo lacag u tuumiya

Saad ula tacaashana

Waa inaad ka tashataa

Qeexdaa tahluukada

Oo aad ku tookhdaa:

“Maya! Tiwitar kuma lumo

Faysbuug tif kama dhuro

Warka tooxsigee yaal

Ee xumo tashiilka ah

“Isnaabjaad tallaabiyo

Uma qaado taakaba

Ta’garaamna caynkaas

Tasaawiir iskama dhigo

“Tindher beenawaasiyo

Tigtog oo ciyaalnimo

Tamlar dhaamin maraxnimo

Aykankood ma tuujiyo

“Redhid kala takooroo

Taag laysu sheegtoo

Dadku kala toltolan yahay

Iyo geym ma toociyo

“KakawTook Wasaabiyo

Telgaraam Meseenjiyo

Tekis aan dan loo qorin

Amin tayo leh kuma dilo

“Tiiqtiiqsi faalliyo

Hadal aan tafniidnayn

Misna aan la tifaftirin

Kuma tuuro YuuTuub

“Markay tahay websayddana

Foorum aan tacliin iyo

Lagu tebinnin tii roon

Ma tusmaysto goornaba”

Markaasay tigaaddiyo

Xiddigaha tiriigmiyo

Tamuuxiyo aleelluhu

Gaar kuu tollaysani

Markaasaad tafiirtiyo

Qoyskaaga taym siin

Aad kula tasbiixsato

Tartan orodna kula gasho

Markaasay tawaaddiyo

Qalinkaagu tiix noqon

Beertaad ku tacabtana

Timirteeda muudsani

Markaasaad turxaan li’i

Waxaad tiigsanaysaba

Durba taabbagelinood

Ku tuntuunsan guulaha

Kuma lihi ha taabanin

Telefoon ismaartiya

Ama taablet yaabliyo

Teknolooji oo idil

Tilmaantaydu waa uun

Dhanka taban ka dhawrsoo

Dhanka togan ka dhaansuu

Tegnolooji leeyahay

Adigoon tixgelin helin

Adoon taadu soconayn

Oo aan ka taajirin

Tegnolooji waa suus!

W.T. Idiris M. Cali

Dhanjac: [email protected] 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.