Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Ifbixii Garabka IS ee Soomaaliya: Koboca Dhaqdhaqaaqyada Istiraatiijiyadda iyo Dhaqaalaha

W/Q Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”

Guudmar (Abstract)

Ururrada xagjirka ah ee ku abtirsada Islaamka oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay si firfircoon dunida uga hawlgalayay, gaar ahaan waddamada Muslinka, iyaga oo mar ba kolka ka dambeysa soo fidaya. Ururka Al-Shabaab oo hore u ahaa midka keli ah ee ka dagaallama Geeska Afrika iyo guud ahaan Bariga Afrika, ayaa hadda waxa soo labeeya Islamic State (IS Somalia) oo la abuuray 2015 dhammaadkeedii. Kaas oo lagu daray liiska argagixisada ka bartilaameedsan hawlgallada argagixiso la dirirka ee caalamka guud ahaan, iyo Maraykanka ba. Daacish Soomaaliya, oo ahaa garab ka unkamay is khilaaf soo kala dhexgaley garabkii Al-Shabaab ee Buntilaan (Puntland), kuwaas oo ugu dambeyn isugu biyo shubtay in ay noqdaan garabka Daacish ee Soomaaliya. Dhaqdhaqaaqyo badan oo kala geddisan ka geystay dhanka Buntilaan ee gobolka Bari, iyo gobollada Koonfurta oo ay sannaddadii dambe isku fidiyeen, iyaga oo ka faa’iidaysanaya qalalaasaha iyo xasillooni la’aanta siyaasaddeed iyo amni ee ka jirta Koonfurta Soomaaliya. Caqiido iyo feker ahaan, ururka Daacish ee Soomaaliya waxa uu la mid yahay midkii Bariga Dhexe (ISIS). Waxa uu ku abtirsadaa caqiido ahaan madarasadda Salafiyada, gaar ahaan Salafi-Jihaadiga, oo la mid ah al-Qaacida, Al-Shabaab, iwm. Dhaqangelinta wax ay ugu yeedheen ‘Shareecada’ ama ‘Islaamka Siyaasiga’ ah ayaa u dagaallamayaan. Kuwaas oo uu aqoonsi u yahay diin ‘Islaam’ iyaga oo gebi ahaan ba, aan oggolayn wax la yidhaa dawlado, muwaadiniin isireed iyo dhuleed, qawaaniin caalami ah, iwm. Ururkani waxa uu isku deyayaa in uu abuuro saameyn aad u ballaaran oo dhanka siyaasadda, millateriga, dhaqaalaha iyo sirdoonka ah, sida ay A-Shabaab tahay iyo meel ka sarreysa oo kale. 

ISIS-Soomaaliya (Garabka Daacish ee Bariga Afrika)

Dawladda Islaamiga ee Suuriya iyo Ciraaq (Islamic State in Iraq and Syria ‘ISIS’ sida oo kalena loo yaqaan Islamic State in Iraq and Levant ‘ISIL’. Erayga dambe ee “Levant – Shaam” waa mid ka turjumaya dhul aad u badan oo ay ka mid yihiin waddamada: Ciraaq, Suuriya, Joordan, Israaiil, Falastiin iyo Lubnaan. Af-Carabi ahaanna loo yaqaan Daacish oo u taagan ama loo soo gaabiyay “والشام العراق في اإلسالمية الدولة”. Ururkani waxa uu ka mid yahay ururrada xagjirka, Salafi-Jihaadiga asal-raaca oo ka dagaallama si toos ah Bariga Dhexe, saameyn ballaadhanna ku leh dunida, sida Afrika iyo Yurubba. Weerarro kala duwanna ka geystay dunida badankeed. Garab ka mid ah ururka Boko Xaaraam ee Galbeedka Afrika ka dagaallama “Islamic State in Iraq and Levent branch of West Afrika” ayaa ka mid ah, oo uu hoggaamiyo Abu Muscab Al-Barnaawi oo ah wiilka uu dhaley Maxamed Yuusuf oo ahaa aasaasihii ururka Boko Xaaraam.

Sheekh Cabdulqaadir Muumin

Ururka Daacish asal ahaan waxa uu ka soo farcamay ururkii loo yaqaannay Jamaacat Al- Towxiid Wal-Jihaad “JTJ” oo la aasaasay sannadkii 1999, isbahaysina la ahayd ururka Al- Qaacida oo uu hoggaaminayay Abu Muscab Asarqaawi. Waxa ay si dhab ah u soo ifbaxeen duulaankii uu isbahaysiga Maraykanku ku qaadeen waddanka Ciraaq sannadkii 2003. Haddana, dardar xooggan ayaa uu 2006 la soo baxay. Ugu dambeyn dagaalkii sokeeye ee Ciraaq ee sannadkii 2011 bilaabmay, oo uu garabyadii is hayay isaguna dhankiisa ka bilaabay dagaalka, lana dagaallamay labadoodaba; mucaaradkii iyo ciidamadii metelayay dawladda Ciraaq ba. Sannadkii 2014 ayaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay khilaafo iyo dawlad Islaami ah wixii maanta laga bilaabo, kana talin doonta oo isku fidin doonta dhulka uu sheeganayo ee aadka u baaxadda weyn.

Text Box: Sheekh Cabdulqaadir MuuminDiisenbar, sannadkii 2015 waxa uu isku fidiyay Galbeedka Ciraaq ilaa Bariga Suuriya, isaga oo ururku isku furay labada xuduudood ee ay labada waddan wadaagayeen.. Dhinaca kale, sannadkii 2015 waxa  miisaaniyadda ururka Daacish lagu qiyaasay 1-bilyan oo doollar iyo ku dhawaad 30,000 oo dagaalyahanno shisheeye ah. Waxa uu muddo kooban ku noqday urur saameyntiisu ay meel walba gaadho, waddamada jaarka iyo dunida guud ahaan ba. Waxaana lagu tiriyaa in uu yahay ururka ugu ballaadhan ee dad shisheeeye ah oo waddamo Yurub iyo Afrika ah ka tagey ay ka dagaallamaan.

Soomaaliya, waxa uu ururkani ka bilaabmay sannadkii Oktoobar-2015, isaga oo si firfircoon uga jira gobolka Bari ee Maamul-Goboleedka Buntilaan. Magacyada loo yaqaan waxa ka mid ah Abnaa’ul Khaliifa “Wiilashii Khulafada, Islamic State in Somalia (ISIS)” Waxa aasaasay nin lagu magacaabo Sheekh Cabdulqaaddir Muumin oo ah Soomaali-Ingiriis ku noolaa waddanka Ingiriiska iyo waddanka Swiidhan intii u dhexaysay 1990-2003 (ISwiidhan) iyo 2005-2006 (Ingiriiska).

Sannadkii 2010 ayaa hay’adda  sirdoonka  ee  Ingiriiska  (M15) ku  qabatay in uu xagjireeyo dhallinta yaryar, ka dibna waxa uu u soo baxsaday waddanka Soomaaliya, isaga oo gubay dhalashadii Ingiriiska, kuna biiray Xarakada Al-Shabaab. Oktoobar 22, 2015 ayaa uu bayco (Heshiis Khilaafo) la galey hoggaamiyihii Daacishta Bariga Dhexe, Abu Bakar Al-Baqdaadi, si uu u abuuro garabka Daacish ee Soomaaliya. Buuraha Galgala ee gobolka Bari (Buntilaan) ayaana uu ka bilaabay. Ogost, sannadkii 2016 ayaa Sheekh Cabdulqaaddir Muumin ay dawladda Maraykanku ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee lagu raadjoogo.

Intaa wixii ka dambeeyay si toos ah ayaa uu uga dhaqdhaqaaqaa gobollada Bari iyo Koonfurta Soomaaliya. Weerarro iyo qaraxyo kala geddisanna uu ka geystaa sida Al- Shabaab oo kale. Dhinaca kale, sida ay sheegtay Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay ee  Soomaaliya iyo Eriteriya (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea), ayaa warbixin ay soo saareen sannadkii 2016 tilmaamay in ciidanka rasmiga ah ee u diiwaangashan ururka Daacish-Soomaaliya lagu qiyaaso 200 ilaa 300. Kuwaas oo mushaharkoodu dhan yahay haddii uu xaasle yahay $50, halka haddii uu carruur leeyahayna ay u raacdo $20-30, iyada oo loo eegayo da’adiisa. Halka askariga aan xaaslaha ahayni aannu wax mushahara lahayn, ilaa hadda. Waa urur isku deyaya in uu dhaqaale, awood iyo ciidanba saameyn ku yeesho gobolka Geeska Afrika. Muddo afar sannadood  ah  b uu jiraa, waxaana ay u badanyihiin hoggaamin ahaan iyo ciidan ahaan ba dagaalyahanno ka soo goostay ururka Al-Shabaab ee ay jaalka yihiin. In kasta oo ay labadooduba cadow isku arkaan, marar badanna ay ku dagaallameen gobolka Bari iyo gobollada Koonfurta qaarkood.

Qiyaas ahaan miisaaniyadda ay sannadkii mushahar ahaan u bixiyaan waa $3,000 ilaa $9,000 oo doollar. Dhaqaale yaraanta haysata darteed xaddidaad fara badan oo dhanka kharashaadka ah baa ay sameeyaan ururkani, maaddaama ay bilow yihiin. Dhanka kale, ururkani waa uga furfuranyahay shisheeyaha  kolka  la barbardhigo Al-Shabaab; oo iyada nafteedu  ay ku jiraan shisheeye aad u badan. Maaddaama oo uu yahay garab bilow ahaan ka tirsan  Daacishtii  Bariga  Dhexe ee la baabiiyay. Waxa  ka  tirsan shisheeye  kooban  oo   dawladaha jaarka ah, oo uu ka mid yahay Abu Faaris oo ah Suudaani ku jira liiska argagaxisada Maraykanka ee xubnaha ka ah Xarakada Al-Shabaab. Sida oo kale, ururkan Daacish-Soomaaliya waxa uu xidhiidh la leeyahay hoggaamiyaha Daacishta waddanka Yaman oo isagu u dhaqma isku xidhe Daacishta Soomaaliya iyo Daacishta Bariga Dhexe. Kaalin weynna ka qaatay bilowgii  isku xidhka labada dhinac, iyo in garabkii Al-Shabaab ee deegaannada Buntilaan loo beddelo garabka Daacish ee Soomaaliya. In kasta oo ay Yaman  burbursan tahay, dagaallo kala duwanna  ka socdaan, waxa ay u nuglaatay ururrada xagjirka ah ee hubaysan ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

1.       Dhaqdhaqaaqyada iyo Hawlgallada

Isbeddelka labadii sannadood ee u dambeeyay ku yimid  dhaqdhaqaaqyada ururka  IS  ee Soomaaliya ayaa muujinaya in ururku uu aad u faafay, una dhismay, taas oo ay ka muuqato hawlagallada uu muujinayo. Bishii Julaay ee sannadkii 2018 ayaa ay ururka IS ee Soomaaliya sheegteen dhaawac iyo dhimasho loo gaystay 14 ka tirsan  ciidanka  xoogga dalka (CXD) ee Soomaaliya. Sida oo kale waxa ay kor u qaadeen dhanka khaarijinta iyo madaxjebinta intii u dhexeysay Jeenaweri ilaa Julaay ee sannadkii 2018. Khaarijinta ay ururku sameynayaan waxa ay si gaar ah ugu ugaadhsadeen ciidanka sirdoonka iyo nabadsugidda ee Soomaaliya, iyo guud ahaanba ciidamada ammaanka. Warbaahinta AMAQ ee ku hadasha afka ISIS ayaa soo bandhigtay muuqaallo lagu khaarijinayo ragg dharcad ah oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen sirdoonka Soomaaliya, kuwaas oo maalin dharaar ah goobo dadku iskugu yimaaddaan oo suuqyadu ugu horreeyaan lagu khaarijinayo. Waliba ay kolka dilku dhacayana muuqaal ahaan loo duubayo, oo qof aan waxba ka fogeyn uu duubayo kolka dadka la leynayo.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan- Ifbixii Garabka IS ee Soomaaliya: Koboca Dhaqdhaqaaqyada Istiraatiijiyadda iyo Dhaqaalaha

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: [email protected]

—————
Cabdifataax Xasan Maxamed (Barawaani), waa qoraa, cilmi-baadhe iyo tifaftire. Waxa uu wax ka qoraa arrimaha siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, taariikhda iyo afka. Waxa uu wax ka bartaa dalka Ugaandha (Kambaalla), gaar ahaan kulliyadda diblomaasiyadda iyo Xidhiidhika caalamiga ah. Waa tifaftiraha guud ee mareegta Indheergarad. Waxa kale oo uu ka mid yahay qorayaasha majalladda Afrikaan-so. 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.