Hal-abuur:Xasan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde)
Maansadaan gaaban ee aan ugu wanqalay HURGUMO waxay qisadeedu ka hadlaysaa Masuul lagu hanwaynaa oo lagu haminayay inuu wax wayn keeni doono, is baddal samayn doono oo xaalkiisu noqday “la mood noqonse wayday”. Qaybta hore waxay ka hadlaysaa sidii markii hore qofkaa loo malaynayay iyo sida dhacday. Maadaama masuuliyaddu tahay xil aad u wayn, Qaadista xilkaasi waxaa culayskiisa dareemi kara Ruux Alle ku mannaystay Garasho Dheeri ah. Qaybta ku xigta waa far ku fiiqidda xaalka dhulkan Soomaaliyeed iyo waxyaalo aan ku misaalay inuu maanta la mid yahay.
Isku soo wada duuduuboo maansadu waxay si qoto dheer uga hadlaysaa Fool Habowga Maandeeq! iyadoo duuduuban waa tan maansadii HURGUMO ee akhris iyo fahan wacan iyo waliba fal celin habboon.
Hamigiisu waa guul
Higsigiisu waa yool
Hanka waa ka boqor oo
Hagrashana ma uu laha
Hirashadu badhaadhiyo
Dar hagaagay weeyaan
Hurdankiyo cayaaraha
Heelladiyo maansada
Waa hoobal caan baxay!
Hamrashiyo xaq dhowrkana
Hoygooda weeyaan!
Higillada saboolkana
Hayntooda weeyaan!
Bulsho hoga tuskeedana
Hanadkeeda weeyaan!
Hawlaa dalkeenana
Ka u hiisha weeyaan!
Hollashada waxqabadkana
Ka horreeya weeyaan!
Haamaha colaaddiyo
Dakanada huraysana
Ka huleelsha weeyaan!
Horu socodka beeshana
Hayinkeeda weeyaan!
Hadimada shisheeyaha
Ka hungeeya weeyaan!
Hoo-diyo wax bixintana
Kan huraaya weeyaan!
Duqaydiyo hal doorkuba
Nimay wada hubaaniyo
Hoodaale weeyaan!
Hidde baare weeyaan
Ruux haybad gaariyo
Hibo Eebbe siiyiyo
Hawlkar weeye buuxoo
Halkan iyo halkeer iyo
Halal kaleba joogoo
Ubax yadu hareeyaan
Hareeraha jidhkiisoo
Marna waa hoggaan iyo
Aqoonyahan hormuudoo
Waa heerka barashada
Iyo hoyga dhigashada!
Marna waa halyeey iyo
Geesi lagu hirtaayo
Kala haga dadkiisoo
Ka hortaga colaaddoo
Hormarshoo dalkaygaa
Hawadaasi laliyee
Haye dee abwaankoow(1)
Waa sidaan u haystoo
Islahaa hagaagtoo
Hamigaagi gaadhee
Wali shoow halkaygii
Kama qaadin heeryada!?
Afartaa horyaal iyo
Haashaar u meel gee
Sahan lagu hungoobiyo
Badda roob ku hooroon
Nacfi laga helayn dhaha!
Ama hogol daruuroo
Hadya jeerba curatoo
Dusha kaa haraysoo
Guguc iyo hillaac iyo
Guuleeto hidisoo
Gobo’ laga helayn dhaha!
Naftu way hadraysaa
Dareen igu hagoogmoo
Iga hiiliyeey shoow
Hinji dee i leedahay!
Hiq-hiqda iyo ciilkii
Anba haysan waayee
Gu’gan haatan joogniyo
Kii tagay hal shay oo
Is badalay ma haysaan?
Hindisaha barwaaqiyo
Higsigii ma haysaan?
Hal abuur qurxooniyo
Hiyi wacan ma haysaan?
Higgaaddiyo tacliintii
La hormari ma haysaan?
Danta guud u hadalkiyo
Qabiil hiif ma haysaan?
Dadkii haadku wada cunay
Hooyooyinkii go’ay
Laga hadal ma maqasheen?
Habaaskii rafaadkoo
La hakiyey ma haysaan?
Hayntiyo dhaqaalaha
Wax la hubo ma haysaan?
Wax hormooyin fulayoo
Ka hirqaday ma haysaan?
Heemaalkii quruxdiyo
Haashaarki gobanimo
La hel iyo ma haysaan?
Gacan hoorsashada baas
Laga hodan ma haysaan?
Wax un lagu hagaagoo
Dalku helay ma haysaan?
Afartaa horyaal iyo
Haashaar u meel gee
Sahan lagu hungoobiyo
Badda roob ku hooroon
Nacfi laga helayn dhaha!
Ama hogol daruuroo
Hadya jeerba curatoo
Dusha kaa haraysoo
Guguc iyo hillaac iyo
Guuleeto hidisoo
Gobo’ laga helayn dhaha!
Ciidyahay hoggaanlaay
Hiil iyo abbaan laay
Horay uuma socotaay
Hedel aayaatiin laay
Hanti iyo wax tabaclaay
Heegooyin muuqlaay
Hebed laysku dhiibaay!
Halis iyo jar leexdaay
Hilbo waran ku caaneey!
Hogag miiran leeyeey!
Hanqaraarac badanleey!
Illeen ruux hanaankiyo
Hibadiisa dhowraa
Gadhka heedhe kuma qaban!
Habataciyo rays iyo
Sida haro digeed iyo
Xareed weeye halacloo
Misna laga harraad qabo!
Caws weeye hawriyo
Kayn weeye hodanoo
Dhirtu hamashtay weeyoo
Cidna aanay hoos marin!
Haaneeddo dihiniyo
Daruur weeye hoortoo
Cidna weel la hoos tagin?
Waa geel horwaynoo
Nin lahaa ka harayoo
Cidla hawtulhamagloo
Inta habar dugaagii
Kolba neef la harayaan!
Waa inan hubaadiyo
Dhabeel gocor halleeyoo
Hiin-raagga gocor kale
Nafta kula habowdoo
Isna hanaqa gooyoo
Hebel hebel u dhiiboo
Hebel kale u dhiiboo
Laysku haysto weeyaan!
Marna hooyo gacaloo
Curadkeedii hiifoo
Xaqeedii hilmaamoo
Hengel xidhatay weeyaan!
Marna aabbe hanadoo
Shayboo hag-hagyoo
Higla looga tagayoo
Ku habaabay weeyaan!
Afartaa horyaal iyo
Haashaar u meel gee
Sahan lagu hungoobiyo
Badda roob ku hooroon
Nacfi laga helayn dhaha!
Ama hogol daruuroo
Hadya jeerba curatoo
Dusha kaa haraysoo
Guguc iyo hillaac iyo
Guuleeto hidisoo
Gobo’ laga helayn dhaha!
Sidaad hawl u fuliseen
Maahayn heshiiskuye
Ma hayaay colaadliyo
Hafarkiyo dhibkii baad
Mar labaad horseedeen?
Dakaniyo hog naareed
Miyaad haabanaysaan?
Hal-haleel qufaysaan?
Ma hawaawi beenaad
Hoosaasinaysaan?
Ma nin tooxsi hooglaad
U lushaan hargaha oo
Hadalkiyo afkiinaan
Hashuun baad ku kicisaan?
Ma hurgumo fogaatiyo
Kasha boog haraysaad
Heeryada ka kicisaan?
Ma hamuunta joogtiyo
Hanfidiyo kulaylkaad
heellada u tumaysaan?
Ma hayaayda shicibkiyo
Holaciyo rasaastaad
Ka heshaan hurdiyo nolol?!
Gocoryahow hadoodilan
Waxaad hurinaysaayee
Hoosta aad ku wadatee
Hirka aad ku qarisaa
Ma qabyaalad hiirtaa?
Sidan heedhe kuu qabay
Noqon wayday haatane
Waxaa lagu hagaagaa
Waxaa lagu halmaalaa
Waxaa loo hiloobaa
Waxaa lagu hufnaadaa
Waxaa laysku hiilaa
Waxaa laba ku huruddaa
Helitaanka nabadee
Hooy taladu waa guun
Cidna hoos umay laha
Ha inoo dhaxaysoo
Hasha aannu maalnee
Dadka heelka wada gee
Haaneedka soo dhiib!
Hal-abuur:Xasan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde)
E-mail:hassahashi2010@hotmail.com
————
(1):Abwaan Cabdirashiid Maxamed Cali (Caaqilka)
Leave a Reply