Nayroobi (WDN)-Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xaquuqda bini aadamka ee (Human Rights Watch), ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin cabsi joogta ah oo la xiriirta in la kufsado.
Warbixin ay HRW Khamiistii ka soo saartay Nayroobi, Keenya, ayay ku sheegtay in kufsiga iyo dhibaateynta haweenka ay caadi ka yihiin gudaha dalka Soomaaliya.
Warbixinta ay HRW soo saartay, oo ka kooban 72 bog, ayay ku eedeysay in kufsigaasi ay sidoo kale geystaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Liesl Gerntholtz, oo ah agaasimaha hay’addaasi u qaabilsan dhinaca xaquuqaadka dumarka, ayaa sheegtay in ballan qaadyo ay dowladda Soomaaliya sameysay ee ku aaddana wax ka qabashada kufsiga haweenka, aanay waxbaka beddelin dhibaatada lagu hayo haweenka Soomaaliyed.
Meelaha dhibaatooyinka, ay ka dhacayaan ayay HRW tilmaamtay inay ku jiraan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaannada ku xeerran.
Weli, dowladda Soomaaliya, kama aysan jawaabin eedda cusub ee HRW, taas oo ku aaddan kufsiga loo geysto haweenku iney qeyb ka yihiin ciidamada dowladda.
WardheerNews.com WI, USA.
Leave a Reply