Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hormuud iyo Hableheenna

Zaad , EVC , Sahal iyo E-Dahab

W.Q. Aadan Cabdiraxmaan

Wuxuu ka mid noqday Telefoonka gacantu nolosha. Waxtar iyo waxyeello labadaba, dhaqaale iyo dhaqan bi’is, hawl fududayn iyo hagardaamo wada socda ayuu sidaa, Telifoonkan qof kasta oo qaangaar ah uu maanta gacanta ku sito, adeegyada faraha badan ee ay Hormuud iyo shirkadaha la jaadka ahi ay hayaan,  waxaa hareer socda dhibaatooyin dhaqanxumo oo si xoog ah bulshada ugu dhex baahaya, kana dhasha  adeegyada ay shirkadahaasi bixiyaan qaarkood.

Shirkadaha lacagta elektarooniga ee adeegsiga teleefanka gacanta

Bajaajle , Baalashle , Biyoole , Kirishbooy iyo kuwa jooga goob kasta oo ganacsi aad adeegga iyo agabka aad ka iibsatay ku guddo telefookaaga gacanta waxa uu si fudud ku helayaa lambarkaaga.

Waxay Hormuud , Golis , Telsom iyo Somtel-ba ka gaabiyeen inay xakameeyaan  xero  wanaagsanna galiyaan xogta qofkasta oo adeegga ay bixiyaan qaata. Raggu yeelkooge , mar walba oo qof Dumara ay lacag ka dirto telifoonkeeda ( Zaad , EVC , Sahal iyo E-Dahab)  waxay sababtaa in si fudud loo helo  lambarka Telifoonka u gaarka ah, waxaana suuragal ah inay macluumaadkaas gaarka ah ee muhiimka ah u gacangasho qaar aan qadarin khusuusiyaadka shakhsiga, kuwa har iyo habeen ku citikaafa siday hablaha hilbohooga u daaqi lahaayeen.

Waxay si joogto ah ula kulmaan dumarka Soomaaliyeed yar iyo wayn wicitaanno joogta ah oo been iyo beerlaxawsi  lagu subkay, waxaana marar badan dhacda inay hablaha yaryar run moodaan hadallada xardhan ee xariirta loo ekaysiiyay, kana burqanaya Afmiinshaarrada habeen dhax ka dhiganaya hilbaha bisil ee hableheenna. Dhiigga iyo dhabanka gurbood badan oo waalidkii dhalay ay u soo dirsadeen xarumaha waxbarashada iyo bar-baarinta ayaa ku dhaca haadaan uu iblays ka dhex heesayo.

Ilaalinta sharafka iyo karaamada Dumarkeena waajib

Ilaalinta sharafka iyo karaamada dumarkeena waajib na wada saaran weeye, shirkadaha Telifoonadooda laga dhex xawilo lacagaha waa inay la yimaadaan hanaan ilaalinaya qofka lamberkiisa marka uu diro lacag kana dirayo telifoon kiisa. Waxay amuurtaasi yarayn doontaa haddii la dhaqan galiyo xadgudubyo badan oo dhaca. Waxay ka hortagi doontaa qaar kale oo dhici lahaa.

Sida xisaabta Bankiyada waa la qarin karaa Lamberka intiisa badan oo waxaa laga soo reebi karaa 4  god ee ugu dambeeya, taasoo qofka macmiilka ah iyo kan beecsharada hayaba ay ku wada qanci karaan , haddii khalad yimaadana ay shirkaddu kala saarto wixii khalad iyo sax ah markii lacag wareejinta lagu murmo.

Dunida meelo badan ayaa haatan laga adeegsadaa lacagta lagu diro lagana diro telifoonka , hase ahaatee mar walba waxay shirkaduhu ilaaliyaan qofka lamberkiisa inuu asagoo dhammays tiran gaaro loodiraha , iyadoo laga durkayo dambiyo qorshayn, ilaalinta iyo inaan lagu xadgudbin khusuusiyaadka qofka macaamiilka ah.

Adeegga ay shirkaduhu hayaan faa’iido tiro badan ayuu leeyahay, waxaase giddigeen nalaga doonayaa inaan ilaalino sharafka  hableheenna iyo guud ahaanba xogta qofka u gaarka ah

W.Q. Aadam Cabdiraxmaan 
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.