WardheerNews – Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya weerarkii ay maalintii Isniinta ee bishan Sebt. ay ku beegnayd 1da ee ay diyaaradaha meelaha fog laga hagaa ku qaaddeen gawaadhi la sheegay in ay la socdeen hoggaamiyayaasha Al shabaab, ayaa xaqiijinaya in weerarkaas dadkii lagu dilay uu ka mid ahaa Maxamed Cabdi Godane oo ahaa hoggaamiyaha ama Amiirka Ururka Al Shabaab.
Iyadoo uu maanta dhimashada Godane xaqiijiyay Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Md. Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa warar hadda soo baxay ay sheegayaan in wasaaradda gaashaandhiga Maraykanu ay iyana sidoo kale xaqiijisay in hoggaamiyihii Al Shabaab uu ku dhintay weerrarkaas dhinaca cirka ah ee ay Maraykunku ka geysteen duleedka magaalada Baraawe, oo ah goobaha ay weli xoogga ku leeyihiin ururka Al Shabaa.
Dilka Godane, ayaa la sheegayaa in uu durba dhaliyay loolan ku aadan Al Shabab hogaankiisa. Sidoo kale waxa jira cabsi laga qabo in Al Shabaab ay ku biirto hogaanka kooxda ISIS, ee dagaalada ka wada wadamada Siiriya iyo Ciraaq.
Dilka Gadane ayaa runtii sii wiiqi doonta maleeshiyada Al Shabab, iyada oo dhawaanahan laga qabsaday goobo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya oo ay horey gacanta ugu hayeen.
WardheerNews
Leave a Reply