Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hiil Haween

Marka dal muddo dagaallo ku soo jiray, waliba kuwa sokeeye, kaliya daaraha iyo kaabayaasha-dhaqaale ma burburaane, damiirka dadka ayaa qoonma. Dhibaatooyinka muuqda ee dagaallada laga dhaxlo – qaxa, qoxootiga, gaajada, cudurka, abaarta iyo colaadda- waxa aan ka saamayn yarayn, haddii aanay kaba raad kululeyn, aafada macnawiga ah ee ku habsata bulshooyinka dagaalladu ragaadiyeen. Adduun-arragga bulshada ayaa si aan la dhaadanayn isku beddella oo waayaha dagaalku keenay ayaa saameyn taban ku yeesha. Duruufaha dagaalka ka dhashay ayaa aragtiyaha dadka si qalafsan u qaabeeya. 

Waxa horteena yaalla halbeegyo waaweyn oo iftiiminaya doorsoonka diinta, dhaqanka iyo is-ahaanshaha bulsho ku yimi. Maaha ujeeddada qallinka iyo qormadan inay diiwaangaliyaan ama taxaan ifafaalayaasha ina tusaya nabaadguurka ku habsaday waxyaabihihii beryaha qaar lama-taabtaanka ahaa ama birimageydada ku astaysnaa. Eraygani waa hiil haween oo ka yimi wiil hooyo dhashay, la dhashay hablo, marwo haween xaas u tahay, isaguna hablo dhalay. Waa ka dhiidhi xadgudubka aan xadka lahayn ee hablaheena la soo dersay.

photo: Petterik Wiggers/Panos Pictures

Beryahan danbe si aad u ogaato tacaddiga haweenka loo geysto, gaar ahaan kufsiga xadhkaha goostay, waxa kugu filan kaliya inaad la socota wararka ka soo yeedhaya deegaamada Soomaalida. Kiisaska kufsi ee la soo warinayo waa tirabeel, waxaanay xadgudubkan u ekaysiinayaan wax la aqbalay, ama ugu yaraan loo arko, danbi aan sidaa u sii ridnayn. Waliba intan danbe, kufsi kaliya maaha falalka soo noqnoqday ee waa kufsi iyo qudhgoyn wada socda. Dhacdooyinka argagaxa leh ee dhiilada dhawaaqoodu dhegeheena ku soo noqnoqdeen, haddii uu jiro hal shay oo ay ka wada marag kacayaani, waa in dadnimo daba yar tahay oo bahalnimo loo dhurtay.

Waxa jirta aragti dadka qaar ay qabaan; taasi oo ah in awalba tacaddiga haweenku, gaar ahaan kufsigu bulshadeena ku badnaa. Ha yeeshee waxa isbeddelay uu yahay horumarka laga sameeyey xaga wartebinta. Dadka aragtidan qabaa waxay ku doodayaan in horeba haweenka kufsi loogu gaysan jiray, laakiin maanta dunida isku soo dhawaatay iyo adeegsiga internetku, gaar ahaan warbaahinta bulshadu, ay qudhun la huursan jiray daaha ka fayday. Foolxumadan bannaanka loo soo saaray waa ta sababtay in qaylodhaan weyni beryahan danbe, si aan kala joogsi lahayn isku qabsato. 

La arkee inay aragtidan wax ka jiraan, ha yeeshee xeeldheerayaashu waxay qabaan in isbeddelka ugu wayni uu ka dhashay doorsoonka ku yimi habdhaqanka bulsho ee dib u qeexay waxyaabo awal birimageydo ku suntanaa. Waa isla doorsoonka dhallangediyey waxyaabihii laga yaqyaqsoon jiray ama laga dhiidhiyi jiray, balse imika, gadood bulsho ha inoo danbeeyee, aan didmo dhallinayn.

Waxa ka sii daran, falcelinta ka dhalata kiisaska kooban ee laga garnaqo. Qaar badan oo kiisaskaas ah jujuub iyo afduub ayaa ka dhasha. Dhibbanihii ayaa abaalmarin looga dhigaa kuwo waraaboobay oo ku mamay hanaqgoynta mataanahooga nolosha. Gabadh la faraxumeeyey, la xoogay oo la qalbijabiyey marka lagu jujuubo inay marwo u noqoto isla kii waxba xeerin waayay, miyaanay abaalmarin ahayn? Miyaanay la micno ahayn xariir la huwiyey ruux ay ahayd in la la xisaabtamo oo guudka loo saaro tacabka gedaafadda uu ku kacay? Marka sidan la yeelayo, gabadhii dulmanayd ee lagu xadgudbay, sow gef abadiya oo kii hore ka gundheer looma gaysan? Miyaan loo fahmayn in gabadh la kufsadaa aanay wax weyn ahayn, mar haddiiba ruuxa falkaa ku kaca lagu qaadayo xeer-jajab aan dadnimo, diin iyo dhaqan midna la haysan.

Xeerjajabka la sheego in lagu soo afmeero kiisaska kufsiga, waxa inta badan gadhwadeen ka ah hoggaanka dhaqanka. Ilaa imikana, xeerjajabkaasi, xaaladda oo uu sii dacareeyo mooyee, xal waara ma keenin. Sidaa darteed, waxa la gaadhay goortii aan ka dhiidhiyi lahayn dhaqanxumada iyo arxandarada lagu hayo hablaheena. Waxa la joogaa amintii aan cod dheer ku wada odhan lahayn, maya ma aqbali karno boqnagoynta hablahayaga. Aan ka wada qaybqaadano in si adag loo ciqaabo mid kasta oo ku kaca kufsi iyo nooc kasta oo xadgudub jinsi ah. Aan ka korno xeerjajabka iyo caado-dhaqameedka dadnimo iyo damqashaba ka arradan.

Allow dhawr hablaheena uu abwaan Hadraawi mar hore maansadiisa Hablaha Geeska Afrika sidan xeesha dheer ugu sifeeyey:

  • Gabigeed adduunyada
  • Gobol-gobol u qaadoo
  • Hablo weerar geli kara
  • Hablo geela dhicin kara
  • Hablo geesi dili kara
  • Gobonimana hanan kara
  • Hablo talada goyn kara
  • Garta madal ka niqi kara
  • Garashana iskaga mida
  • Quruxdana ka wada gob ah
  • Geesteena mooyee
  • Gayi kale ma joogaan

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.