HESHIISKII FASHILMAY EE HOGAAMIYAASHA XUKUUMADDA & GOLAHA SHACABKA JFS

WDN- Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka hadley khillaaf soo kala dhex galay Guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumadda, ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay bishan Maarso 16 ‘’Xukuumaddii ama Laantii Fulinta ayaa weerar ku soo qaadday Baarlamaanka, waxaa jira arrimo aan anigu diiday in aan saxiixo, oo ka hor imanayay nidaamka mabda’a iyo ammaannada naloo dhiibay, ayaa soo kiciyay arinta “.

Guddoomiyuhu ma sheegin arrimahaasi uu ka diidday xukuumaddu waxa ay ahaayeen.

Haddaba WardheerNews oo ay soo gaadhay nuqulka warqadda uu ku sheegay Md. Jawaari arinta uu diidday in uu saxeexo, ayaa u qorneyd sida hoos ku xusan, iyada oo baadhitaan dheer ka dib, ay WardheerNews hubisay in qoraalka heshiiska fashilmay uu sax yahay:

————-

Hordhac:

Annagoo gudanayna waajibaadka qaran ee naloo igmaday isla markaana tixgalinayna duruufaha siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalku ku sugan yahay, wax ka baranayna xukuumadihii iyo madaxdii dalka soo maray dhowr & tobankii sano ee la soo dhaafay ee uu ragaadiyey muran & khilaaf sabab u noqday dib u dhaca dalka ku habsaday & faragalinta shisheeye ee taagan. Annagoo aaminsan in dawladdani la timid siyaasad ka duwan kuwii ka horeeyey, mudadii koobnayd ee ay jirtayna ku tallaabsatay guulo qaran oo waaweyn oo dhinac kasta leh, kuwaasoo u baahan in la ilaaliyo, lana sii joogteeyo. Waxaan annagoo ah hogaankii laamaha fulinta iyo sharci-dejinta ku heshiinnay qodobada soo socda oo danta dalka, dadka & diintu ku jirto:

Qodobka Koowaad: Xasilooni Siyaasadeed Labada dhinac waxey iska kaashanayaan isbedel qoto dheer oo lagu sameeyo siyaasadda dalka kaasoo ku qotoma qaab u danaynaya dalka iyo dawladnimadiisa, si wadajir ahna looga hortago wax alla wixii abuuraya xasilooni darro siyaasadeed oo noqotay dhaqan siyaasiyiinta Soomaaliyeed & shisheeyuhuba ay burburinta dawladdeena & hogaankeedaba u adeegsadaan.

Qodobka Labaad: isla dhammaysashada xukunka Hogaanka labadan hey’adood waxey ballanqaadayaan in meel qura looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay beegsato dhinaca kale, wax kasta oo ay eeddu tahay, ayadoo la isweydaarsanayo xogaha la xiriira arrimahaas, go’aan mid ahna laga wada qaato cadowga dawladnimada iyo cidda wadda si kasta oo ay awoodeedu tahay. Mudada saddexda sano ah ee inoo hartayna aan wada dhammaysanno.

HALKAN KA AKHRI: HESHIISKI FASHILMAY EE HOGAAMIYAASHA XUKUUMADDA & GOLAHA SHACABKA

WardheerNews.

Leave a Reply

Your email address will not be published.