Muqdisho (WDN)- Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadd Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda Maamul Gobolleedyada dalka, ayaa heshiis hore u dhac ah ka gaarey khilaafkii u dhaxeeyey deeq lacageed oo ka timid bangiga aduunka oo hore la isugu khilaafey habkii loo qeybsan lahaa.
Heshiiska ay gaareen xukuumadda dhexe iyo maamul gobolleedyada dalka ayaa dhigaya in 50% lacagtaasi loo adeegsado horumarinta adeegyada arrimaha bulshada iyo maamul wanaaga sida adeegyada waxbarashada iyo caafmaadka.
Heshiiska maanta oo ay saxiixeen wasiirka maaliyadda xukuumadda dhexe iyo wasiirada maaliyadda maamul gobolleedyada, ayaa soo afjaraya khilaaf heersare gaarey oo sababey in maamulada dalka ay xiriirka u jaraan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.
Nuqulka heshiiska oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sidan hoos ku xusan u qornaa:


Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply