Muqdisho (WDN)- Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), ayaa howlgalo qorsheysan oo ay fulisey kana dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyau deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in howlgalka ciidamada NISA ka fulisay degaanka Galka Saalimow uu ka danbeeyay ka dib markii sirdoonka Qaranku helay xog ku saabsan in xubno Al-shabaab ka tirsan deegaankaasi ka abaabulayeen falal ka dhan ah xasiloonida bulshada Soomaaliyeed.
Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalka inta uu socday lagu dilay 21-xubnood oo kamid ahaa maleeshiyada kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab, halka ku dhawaad 10 kalena laga dhaawacay. Isla markaana la burburiyey xarumo dhawr ah oo ay ku diyaarinayeen walxaha qarxa ee ummadda Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo.
“Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana lagu burburiyay dhammaan qorshihii maleeshiyaadka kooxda u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya
Bayaanka Wasaaradda Warfaafinta ayaa loogu mahadceliyey bulshada Soomaaliyeed sida ay u arkeen dhibaatada kooxdu ku hayso ummadda, waxaana looga codsadey in muwaadin kasta uu qaato kaalinkiisa ku aadan sidii kooxdaasi dalka oo dhan looga ciribtiri lahaa.
Warsaxafadeedka ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
