Hawlgalo ka Bilaabmay Gobolka Bay, Deegaano in muddo ah Alshabaab heysteena la wareegay

Hawlgalo ka Bilaabmay Gobolka Bay, Deegaano  in muddo ah Alshabaab heysteena la wareegay

Muqdisho (WDN) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyaadka ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa qaaday hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab. Waxa ayna kooxda kala wareegeen deegaano muddo sanado ah ay ka talin jireen oo ka tirsan gobolka Bay.

Deegaanada Alshabaab lagala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Seydheelow, Buulo Jadiid iyo Busley oo ka wada tirsan gobolka Bay,waxa ayna ciidamada ku wajahanyihiin deegaanka Labaatan Jirow oo uu ku yaalo saldhig ka mid ah saldhigyada ugu waawayn maleeshiyaadka Alshabaab ee gobolkaasi Bay.

Hawlgaladaan ka bilawdey deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku biiraya hawlgalada xooggan ee Alshabaab ka dhan ah ee ka wada socda gobolka Hiiraan iyo Galgaduud oo ka kala tirsan maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, halkaasi oo deegaano badan gacanta Alshabaab laga bixiyey.

Sida ay qortey wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa gacanta  Alshabaab ka baxey deegaano kor u dhaafaya 30, waxaana weli si dardar ah ku socda hawlgalada maleeshiyaadka lagula dagaalamayo, iyada oo maleeshiyaadka Al Shabaab ay bilaabeen in ay dib uga gurtaan deegaanada ciidanka ku wajahanyihiin.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.