Muqdisho (WDN)- Waxaa sii kordhaya abaabulada xooggan ay waddo xukuumadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Alshabaab, kuwaasi oo lagu hubeynayo dadka deegaanka si ay qeyb uga noqdaan hawlgalada ka dhanka ah kooxdaasi ee ka soconaya deegaanada maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maalmahaanba wadey kulamo ay la qaadanayso odayaasha dhaqanka beelaha daga Galmudug iyo Hirshabeele, waxaana muuqata in dadaalladaasi ay keeneen kacdoon ka dhan ah Alshabaab oo ay odayaasha durba diyaariyeen dhalinyaro xoog leh oo dagaalada qeyb ka noqda.
maalmahan waxaa magaalada Dhuusamareeb ku soo qulqulayay ciidamo iyo qalab mileteri, iyada oo ay ka dageen laba dayaarad oo mid ciidamo sido, midna ay saanad milatari. Kuwaasi oo laga keenay magaalada Muqdisho, waxaana ay qeyb ka noqonayaan hawlgalada la qorsheynayo in Alshabaab looga xoreeyo degmada Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan.
Dhanka kale waxaa dardar ku socda hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee gobolka Hiiraan, waxaana ciidamada xoogga iyo maleeshiyaarka deegaanka ku guuleysteen in ay dib u furaan wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buulu burde taasi oo muddo 8 sano ka badan u xirnayd kooxda Alshabaab.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in hawlgalada ay wadaan ay kaga xoreeyeen deegaano badan oo gobolkaasi ka tirsan oo ay ugu muhiimsanayd deegaanka Booco oo shalay ciidamo qabsadeen, halkaasi oo ahayd fariisin muhiim u ah Alshabaab. Deegaankaasi ay Alshabaab ku lahaayeen maxkamad iyo goob lacagaha ay bulshada uga qaadi jireen.
Dadaallada xukuumadda Soomaaliya ayaa u muuqda kuwii dardar u socda, waxaana xukuumaddu sheegtay in sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed laga bilaabi doono hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab, maadaama deegaanada maamulkaan ay ka mid yihiin goobaha ay saamaynta ugu ballaaran Alshabaab ku leedahay.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply