Hawlgal lagu dilay sarkaal sare oo Alshabaab ah oo ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Hawlgal lagu dilay sarkaal sare oo Alshabaab ah  oo ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Muqdisho (WDN)- Ciidamada ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, ayaa hawlgalo ka dhan ah xarakada Alshabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolada Shabeelaha Hoose iyo Bakool oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Mid ka mid ah hawlgaladaas ayaa ka dhacey deegaan qiyaastii 65 KM u jira degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, kaasi oo lagu diley horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa gobolada Bay iyo Bakool oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Nuur Gacal iyo 5 kamid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale hawlgallo ballaaran oo lagu daba jiray ciidamada Alshabaab, ayaa ka dhacey deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xooganyihiin maleeshiyaadka Alshabaab,  kaasi oo ay fuliyeen ciidamada komandooska Soomaaaliya ee Danab.

Hawlgaladan maanta dhacay ayaa yimid ka dib markii maalintii shalay ahayd uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, in dawladiisu dhawaan bilaabi doonto hawlgalo ka dhan ururka Alshabaab, oo gacanta ku haya magaalooyin badan oo muhiim ah oo Koonfurta Soomaaliya ka mid ah.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.