
St John’s, Waterloo
London, Waddaado ka tirsan mathabka Anglican ee waddanka Biritayn, ayaa aad uga cadhooday koox muslimiin ah oo loo oggolaaday in ay salaadda Jimcaha ku tukadaan kiniisadda caanka ah ee St John’s oo ku taal xaafadda Waterloo ee badhtamaha magaalada London bishan Maarso 6deedii.
Dr. Amina Wadud oo ah haweenay u dhalatay waddanka Maraykan iyo xerteeda oo lagu magacaabo “Inclusive Mosque” oo iyagu aaminsan in haweenku ay ragga tujin karaan, islamrkaana ragga iyo haweenku iyagoo garabka isku haya ay wada tukan karaan, ayaa weydiistay baadaragiga kiniisaddan Reverend Giles Goddard oo ah nin qunyar socod ah in uu u oggolaado inay salaadda Jimcaha ku tukadaan Kiniisaddiisa.
Nin ka tirsan jamaacadda, ayaa ugu horreyntii addimay ka dibna Dr. Amina Waduud, ayaa khudbaddii akhriday ka gadaalna dadkii goobta ku sugnaa salaaddii Jimcaha ka saartay (tujisay).

Muslim prayers at St John’s, Waterloo (Photo: YouTube)
Baadariga Kiniisadda oo isna goobta ku sugnaa, ayaa khudbad uu u jeediyay jamaacadii Kiniisadda ku tukanaysay isagoo soo qaatay tuducyo ka mid ah Kitaabkooda sheegayna in ay idil ahaantood wadaagaan dhaqan weyn, sidaa darteedna ay tahay in ay u dabbaadegaan dhaqankaas ay wadaagaan ee u mahadcelinta Eebbaha ay jecelyihiin ee Allah.

Waddaado badan oo ka tirsan madhabka Anglikanka ee dalka Biritayn ayaa iyagoo aad uga cadhaysan cambaareeyay dhacdadan albaabada Kiniisadda loogu furay xertan oo ay ku tilmaameen Muslimiin, waxaanay intaa raaciyeen in arrintani ay liddi ku tahay qawaaniinta Kiniisadda oo aan oggoleyn in dhacdooyin noocan oo kale ah lagu qabto kiniisadda.
Munaasabdda salaaddani waxay ahayd mid ka soo qaybgalkeedu u furanyahay dadka oo dhan waxay doonaanba ha aaminsanaadaane.
Ma ahan markii ugu hoerreysay ee ay Dr Amina Wadud iyo xerta taabacsani ay salaad noocan oo kale ah qabtaan iyadoo marar badan oo hore ka dhacday meelo kala geddisan oo ka mid ah waddanka Maraykanka oo ay ka soo ifbaxday dariiqadani.
Dhacdadan ayaa waxay ina xasuusinaysaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd ‘Cimrigaaga oo dheeraaday Geel dhalaayana waa ku tusaa.”
Halkan ka daawo video la xidhiidha dhacdadan
WardheerNews, London
