Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo

 by Jibril Osman

Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo
Kaydka Ergo

Cigaal Xasan Dhimbiil iyo qoyskiisa oo 8 ah ayaa ka soo kabanaya xaalad nolol xumo, markii dowladda hoose ee Hargaysa ay u billowday bishii Ogoosto ee sanadkan $220 oo bille ah, taas oo ka caawisay helidda cunno ku filan arrad-tirka iyo waxbarashada carruurtiisa.

Lacagtan ayuu ku mutaystay barashada xirfadda korontada. Wuxuu ka mid yahay 150 qof oo laga soo xulay qoysas danyar ah si ay uga wada faa’iideystaan xirfadaha iyo lacagta oo muddo sanad ah u socon doonta.

Boqol ka mid ah mushaharka uu helo ayuu ku iibsadaa raashin ay qoyskiisu isticmaalaan, halka inta kale uu ku dabbaro iidaanka iyo waxbarashada afar carruur ah oo u dhigta dugsiga hoose ee Sheekh Noor, kuwaas oo bishii uu ka bixiyo $16.

Cigaal oo 46 jir ah ayaa Radio Ergo u sheegay rajada noloshiisa iyo tan qoyskiisa ay soo celisay fursaddan, taas oo u horseedday in ay helaan cunno joogto ah iyo barashada xirfad uu mustaqbalka ku shaqaysto.

“Intii lacagtaas la ii billaabay waxaa is beddelay horta qorshihii ugu waynaa ee raashinka carruurta ay cunayeen iyo biilkii. Qoyska iminka nimco iyo barwaaqo ayay ku jiraan, markii hore dhibaatada iyo warwarka aniga i haystay wuxuu ahaa waxbarasho la’aanta carruurta iyo cuntadadooda oo how igu ahaa. Iminkana markii intiiba la helay waa nimco nimo ku sug.”

Qoyska Cigaal inta aan loo billaabin mushaharka waxay ku tiirsanaayeen dhaqaale uu ka helayay shaqada dhagax jabinta oo aan joogta ahayn. Wuxuu sheegay in toddobaadkii maalin ama labo uu heli jiray.

Qoyskiisa ayuu xusay in ay cunnada heli jireen hal waqti maalintii, taasi oo nolosha ku adkaysay, balse hadda taasi meesha way ka baxday. Cigaal oo si gaar ah u barta xirfadda korontada ayaa rajaynaya marka uu dhameystirto in uu ku shaqayn doono si uu u gaaro isku filnaan.

“Noloshayda isku filnaansho in ay gaarto oo aanan cid danbe u baahan ayaan xirfadan ku rajo qabaa markaan barto. Biilkii la isiinayay iyo wixii dowladdu ay bixinaysay aan ka kaaftoomo ayaan rajaynayaa.”

Cigaal ayaa sidoo kale dowladda hoose ee Hargaysa ka helay dib-u-dajin. Waxay siisay dhul 22 mitir ah, halkaas oo ay uga dhistay guri jiingad ah. Wuxuu ka soo guuray Balliga daami oo 3 km u jiray Hargaysa. Waxaa ugu yaallay guri cooshad ah oo u nugulaa dhibicda roobka iyo biya baliga uu soo rogo.

Wuxuu sheegay in dhulka cusub ee la siiyay oo ku yaallo Hargaysa ay ku heleen biyo bilaash ah iyo fursad carruurta wax u barta ay ugu soo dhawaadeen iskuulkooda. Wuxuu ku faraxsan yahay in uu isku helay mushahar, barashada xirfad iyo dib-u-dajin ka caawisay in uu warwar la’aan ahaado.

“Waa nimco aad u wayn walaallo. Markii hore mahaysan intaan. Door muhiim ah ayuu ka qaatay nolosheena in ay dhisanto oo guryo aan leenahay aan ka soo kacno hadda. Marka nolosheena wax badan buu ka taageeray.”

Qoyska Saynab Cabdi Jaamac oo toddobo qof ah ayaa ka mid ah dadka ku naaloonaya taageerada ay ka heleen dowladda hoose ee Hargaysa. Saddexdii bil ee la soo dhaafay waxay qaadanaysay bil walba $220 waxaana sidoo kale ay baranaysaa xirfadda harqaanka iyo cillaan saarka.

Waxay sheegtay in carruurteeda ay ka bexeen cunno xumadii haysay tan iyo markii loo billaabay lacagta billaha ah. Intaas waxay ku dartay in haween ay ka mid tahay oo duruuf adag ku korinayay carruurtooda ay noloshooda wax ku kordhisay taageeradan iskugu jirta lacagta iyo barashada xirfadaha.

“Waxay ka taridoontaa hooyooyin badan oo caqabad shaqo hortaallay in ay guul u sameyn doonto oo ay ku shaqaysan doonaan (xirfadda) . Waxay kaga bixi doonaan caqabad badan oo danyar ahaan ku soo foodsaari jirtay.”

Saynab ayaa sheegtay in dhaqaalaha ay hesho qayb ka mid ah ku kabto miis ay u saran yihiin khudaar iyo kiilooyin raashinka, kaas oo qarka u fuulay in uu xirmo dhaqaale yari awgeed. Muddo ku dhow toban sano ayay ku tiirsanayeen ganacsiga qoyskeedu.

Waxay rajaynaysaa marka ay dhamayso barashada harqaanka in ay soo dhigato gurigeeda qalabka wax lagu tolo si ay u kordhiso daqliga soo gala. Dowladda hoose ayaa ka ballan qaadday in ay ka caawinayso mishiinka dharka tola.

Qoyska Saynab waxaa sidoo kale laga caawiyay dhul iyo guri jiingad ah oo laga siiyay xaafadda Cabdi-bidaar ee Hargaysa. Waxay qayb ka yihiin 100 qoys oo nasiib u helay dhulka iyo guryaha oo lagu wareejiyay bishii hore.

Saynab waxay degganayd dhul aysan lahayn oo ku yaalla cirifka koonfureed ee Balliga daami oo xilli roobaad kasta ay gali jireen biyo badan. Waxay sheegtay in ay ka nasteen barakaca xilli roobaadka iyo dadka leh dhulka oo ku amri jiray in ay ka guuraan.

“Alxamdulillaah dhul xorriyad aannu u leenahay oo maanta haddii aan iibsado aysan cid igu qabsanayn oo haddii aan u badkayga uga tago aan ku aaminayo ayaan degganahay nolol-maalmeedkuna aad buu u fiican yahay.”

Mashruuca lagu taageray qoysaska danyarta ah oo socon doona muddo sanad ah ayaa dowladda hoose ee Hargaysa ay sheegtay in ay ka heshay hay’adaha deeqda bixiyaal ah, markii ay ka mid noqotay shan magaalo oo ku yaalla adduunka, kuwaas oo danyarta ku nool loo samaynayo kabniin shaqo iyo mid maaliyadeed.

Maxamed Jaamac Barre madaxa dib u dajinta ee dowlada hoose ee Hargeysa oo hurmuud u ahaa mashruucan ayaa sheegay in bulshada nugul ay u diyaarin doonaa awooddii ay kula soo bixi lahaayeen nolol maalmeed ku filan.

Wuxuu xusay in taageeradan uu ka dhisay qoysaska danyarta ah labo dhinac oo noloshooda wax ku soo kordhinaya sida dib-udajinta iyo baridda xirfado cusu. Si ay u la qabsadaan isbaddelkan cusub ayuu xusay in ay u billaabeen lacag waqti go’an la siin doono.

“Maaddama dadkan ay ka guureen noloshoodii hore oo ay muddada badan ku noolaayeen oo ay u guureen nolol kale dhaqaale yar oo ku sii jiri karto noloshooda oo bille ah ayay sidoo kale helayaan. Marka maaddama dadka muruq-maal ahaayeen waa in magaalada gudaheeda ay ka adeegan karaan si ay qoyskoodii wax ugu celiyaan. Shan ka mid ah dowladihii ku guulaystay mashruucayada loogu adeegayo dadka nugul ayay dowladda hoose ka mid ahayd.”

Wuxuu sheegay in mashruucan oo socon doona muddo labo sano ah uu wajigiisa koobaad uu ku egyahay baratamaha sanadka soo socda. Waxaa ka faa’iideysanaya 150. Kan xiga xusay in sidaas oo kale loo xulan doonaa qoysaska ku habboon.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.