Muqdisho, Qoraal kasoo baxey xafiiska hantidhawrka guud ee dalka ayaa lagu sheegay inuusan sharci ahayn xeer nidaamiyaha sharciga maaliyadda guud dalka, isla markaana uu ka hor imaanayo habraacyada sharciga maareynta maaliyadda guud ee dalka 2019.
Hantidhawrka ayaa tilmaamay in wasaaradda maaliyadda ay baalmartey talooyinka Hantidhawrka isla markaana 19kii bishaan mar labaad golaha wasiirrada horgeysay lana ansixiyey. Waxa uuna sharcigaan wiiqayaa habka loo maamulo hantida guud iyo korjoogteynteeda .
Hantidhawraha guud ee dalka Maxamed Maxamuud Cali ayaa intaa ku daray in xeerka golaha wasiirradu ansixiyey uu ku jiro qaladaad sharci iyo qodobbo ka horimaanaya sharciga maareynta maaliyadda guud (PFM ACT 2019) iyo sharciga xafiiska hantidhawrka qaranka.
Maalintii khamiista ahayd ayuu golaha wasiirrada xukuumadda xilgaarsiinta waxa uu ansixiyey xeerar dhawr ah oo uu ka midyahay xeer nidaamiyada sharciga maareynta maaliyadda guud ee dalka.
Qoraalka hantidhawraha ayaa u qornaa sida soo socota:


Maxamed Cumar Adan
WardheerNews, Muqdisho