Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Hambalyo: Maalinta Xoriyadda 26-ka Juun

Bahda WardheerNews waxay ummadda Soomaaliyeed la qeybsanaysaa dabaad degga maalinta munaasabadda Xoriyadda ee 26-ka Juun, 1960, oo ku beegan maalintii xoriyadda gobolada Waqooyi ( British Somaliland), isla markaana Calan Soomaaliyeed laga taago ciid Soomaaliyeed oo xor ah.

26 June, 1960, Beerta Xoriyadda , Hargeysa

Haddaba waxaanu dhamaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaa maalinta xoriyadda ee 26-ka Juun.

Waxaan munaasabadan jecelenahay in aan idinal wadaagno tuducyo aan ka qaadanay Gabaygii Kaana Siib kana Saar ee Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde, Alle Naxariisti Janno haka waraabiyee uu ka tiriyay Munaasabadaas xoriyadda o oxambaarsa murti ma-guuraan ah.

Anigoo sebi uun aho
sita leebiyo qaansoo
siigadoon isku aasiyo
sabo reer ka fogaanninoon
la ii aamminin soofkiyo
saacan maanta an joogno
gabaygu waygu sugnaayo
suxufiinta dhawaaqdana
anigowgu sarreeyo e
haddii aan sixi waayo
ama aan sarsarriigo
ama aan sarmaseejo
ama aan ka salguuro
ama laygu saluugo
saamiciinta maqlaysaay
i su’aalo hadhowto

Ilaahaan waxba seegine
subuciisa Quraankiyo
sabbaxooyin ku sheegayow
Saciiro iyo Naciima
Rabbigii kala seerayow
marka suurku dhawaaqo e
la soo saaro makhluuqa
shaqiga iyo saciidka
maalintaad kala soocdo
dembigaannu samaynnay
Rabbigayagow naga saamax

Subciyoo ka dukeeyaye
sawd kaleetana waa
soomaaloo calan taagta
saakay noogu horreyso
in sidayda tihiin iyo
in kalaanan saxaynnine
saddex wiig iyo maalmo
haddaan soor cuni waayo
safrad laygama yaabo
sari mayso naftaydo e
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

Ka siddeetan sabaan
calankaannu sugeynnaye
sahankiisa ahaynow
seermaweydo hillaacdayow
sagal maanta darroorayo
siigadii naga maydhayow
saqdhexaannu ahaynne
kii soo saaray cadceeddow
samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

saalixiinta Islaamku
sirta kay ku arkeenow
saahidiinta Quraanka
subcisaa Jimcayaashiyo
sibyaanta iyo haweenku
calankay sahadsheenow
cidina kaanay na siinine
Saadir noogu yaboohayow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar

Sankuneefle dhammaanti
khalqiga kii u sinnaayee
mid saaxiib la ahaynow
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar
.

Halkan ka dhegeyso gabayga- Kaana Siib Kana Saar oo dhan


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.