Inkastoo aanan aheyn aftahan, heli og odhaahaha, ama abwaan koofyadda udhiganaya inuu ereybixin kula baratamo qoraayada ku caanka ah iney ku tiiqtiiqsadaan dhambaallo tayo leh, hadana farbaa ii taagan oo tibix Ibraahim tuhatuheeyey baa tuhun iga galisay yoolka uu la tiigasanayo qoraakiisii uu dhawaan ku soo tuuray dagalka WardheerNews. Qoraagu wuxuu labo-laboodin iyo shaki galiyey wadaninimada Dr./Col. Cabdiraxmaan Baadiyow oo dhawaan siiyey wareysi qotodheer oo u ekaa waano, wacyigalin, iyo digniin qaran.
Haddaba waxaa qoraaga Ibraahim Sharmaake oo aad isu ilaalinaya, uu si talantaali ah u soo taxay su’aalo cabbeysan oo tacshiirad ah, oo aan xanaf laheyn marka oogada sare laga maro, balse kufadhiya fikir siyaasadeed kii Soomaaliya salka dhulka udhigey, khatif caalami ah dartiis. Walina shakhsiyaad lagu tiriyo indheergaradka Soomaaliyeed aysan dhowdhowduba dhicin. Kuwaas oo badankoodu marmarsiiyo ka wadadhigtaan wadaniyad danleh oo aan ku dajisneyn siyaasad la dabaaljoogleyn karta dunidan maanta ee noqotey halka dagmo.
Gobo’da aan usoo daadagee, dulucdu waxay tahay: Dr. Baadiyow wareysigiisii aniga wuxuu iigu muuqdaa odhaahda dhaheysa “Muruqa laba suulle ninba si uqaadey”.Su’aalaha Ibraahiim na sawaxan siyaasadeysan bey sibraar u yihiin.
Nin xamaasadeysan iyo nin xisaab ka maqantahayba, xaqiiqada xaalka Soomaaliya waa ninba taagtii tima xamar! Uma baahna guux hor leh oo waddaninimo ku kaakicinaya guluf-colaadeed guyaal hore dhacay. Sida lawada ogyahayba waxaa inagu habsatey Xaaraama Cuna, xishoodkii iyo xaqdhowrkii sharciga markii la waayey, ee ruuxba ruux ku xadgudbey, ayeynu hoos uga dhacney maqaamkii xaqsoorka. Qolo walbana xeyndaabkeeda meegaaratey oo tidhi “Balaayooy i baal mar”. Haddeer oo la joogo, xeryaha ceydha ee wadamada soohdinta ku yaalla, waxaa laga helayaa sadex fac oo isdhaley, kuna wada kobcay xeryaha qaxootiga, oo 23 sano sugayey dowlad suuban. Lix bilood oo hoggaan xumo ka lumisey, waxey uga dhigantahey “dhurde inta la iska dhiibayo ayuu ku dhintaa”. Sababtaa iyo kuwo kale oo badan ayaa keentay in nalaga xayuubiyo go’aan qaadashada iyo kala hufka arimaha siyaasadda ee dalkeennii. Mar haddaan u tashan weyney Maandeeqdii Timacade ku taami jirey, oo ay labaatan sano iyo dheeraad u qabirnayd dhurwaagii Careys Ciise ku yidhi “waraaboow maalin[JA1] wacan”, in afkasta iyo cidkasta loo kaashado roobdoonta lagu raadinayo rayskii dowladnimo, soo ra’yi wacan maaha?
Waxeynu u joogney samafalayaal quudinayey gurboodkeena baahida la kala-qaarmey in lagu qafaasho magaca wadaniyadda iyo qiiro been abuur ah, oo lagu soo daayo madax furasho la siiyo qabqablayaal dagaal. Qowleysato-badeed baa iyaguna dharaar cad dhowr kun oo kiiloomitir kor u dhaafey seere-dhaqaaleedkii Soomaliya, si ay shixnadaha aduunka u kala gooshaya udhacaan, iyagoo dhahaya wadani dhiidhiyaan ahay oo dhowraya xeebaha dhulkeena. Illaa ay dunidu noo soo gurmatey oo nala yiri dhib ayaad adduunka ku haysaan, waddankiiniina xaalufise dad, duunyo, iyo deegaanba.
Kolka, xeerbeegta uu Dr. Baadiyow lahadlaayo waa duulasha dahsoon ee daaha gadaashiisa taagan. Waxa aan u maleynayaa taasi waa sir furan oo aan u baahney wakhti lumiska iyo wadaniyad afka baarkiisa ah. Balse waa wax mudan in laga hadlo maadaama ay xiniinyo dhoocaarsatay, talona faraheena ka haaddey. Sidaa awgeed, Xalku waxuu noqdey in wax lagu qoro luuqadda ay fahmayaan dalalka talada Soomaliya ka go’do, si loogu qeylodhaamiyo marwalba oo kuwii afka hooyo ku hadaaqayey dhinacooda geydhe dhaxan leh ka soo dhaco. Taas ayaa looga hortagi karaa boqongoynta geeddi-socodka nabadda, iyo yididiilada dowladnimo ee umadda Soomaaliyeed ay oddorosayeen in ay soo dhowdahay. Taasi waa jawaabtii su’aashaada ku aadaneyd: Maxaa ku kalifey Dr. Baadiyow afka qalaad; Waayo xeer-beegta uu la hadlayaa?
Runtii Dr. Baadiyow shakhsi ahaan uma aqaan, laakiin waxa aan daalacdey dhambaal qeexaya sooyaalka khibradiisa, xirfadihiisa, waxbarashadiisa, iyo wax qabadkiisa bulsho. Waxaa kale oo aan akhriyey fikirkiisa cadcad ee siyaasadeed oo ka duwan kuwa indheergaradka deegaankiisu ay caanka ku yihiin. Waxaa sharaf weyn oo la taaban karo ah, in Diktoorku waligiis nabad katalinayey, una taagnaa sidii dadka loo badbaadin lahaa. Tusaale ahaan, Baadiyow wuxuu ka haajirey Soomaaliya isagoo korneyl ah, si uu uga fogaado fadqalaladii iyo fatantii kacaankii jahwareerka maanta taagan gundhigga u ahaa. Kor waayeel waa wado indho ayaa la yiti! Diktoorka waxaan dhihi karnaa waa ka horeeyey bulshadii Xamar ee gashey dagaalkii dhiigga badan ku daatey 2007dii, ee sida laab-lakaca ah ku saleysneyd, ee aan sal iyo raad ba ku lahayn wax qadyad gobonimodoon ah. Taa waxaa daliil u ah, Ethiopia haddaba waa joogtaa wadanka, garabkii midig ee kacdoonka wadey waagaas, hadda iyagii ayaa gacanta ku haya talada dalka. Marka ma shaley ayey khaldanaayeen mise maanta? Jawaabtu: Waa Baadiyow baa kaga saxsanaa in nabad la qaato, oo la badbaadiyo dhalintiin la khaldey waagaas. Haddii diktoorka la maqli lahaana, dib-udhiska dowladnimada Soomaaliya wakhti kama lumeen. Taasna halkaas aayaan uga gudbey, oo waxaan u daayey khubarada colaadaha sokeeye gorfeyn yaqaana.
Waa tan ugu dambeysee, nimaan waaqici aheyn wadani ma noqdo. Somaaliya waxaa halkaa dhigey, sida la aaminsanayahay, waa go’doonkii aan kaga jirney caalamka, sababna aan uga dhigney wadaniyaddii la shuuciyadeeyey, iyo mabaadii’dii uu kaligitaliyihii uga gol lahaa in aan haanta gidaankeeda lagula dhagin. Taas oo inoo keentey in haantii, heeryadii, iyo kuwii hunguriyeeyeyba hadaan kala dhacaan dhaankii waddaniyadda iyo waddankiiba. Dabadeedna, jilbaha loo dhigey kala dabeyntii, lana xalaaleystey xumihii, oo xoolo iska boob, is xoog-xoog, iyo xad gudub maxasta lagu sameeyo la caadeystey. Dib u xasuuso oo, midkastoo xildoon ah ama hayey xarigga hogaanka wuxuu soo huwadey astaantii qaran, ama urur wadani ah si uu ugu xamaasho dantiisa. Runtii, wadaniyaddii waxay noqotey rug aboodi iyo, taallo tiiriyaad qaaruumo hore lahaayeen. Marka isku siba looma wada arko iminka Soomaalinimada.
Hadaba, inaan waaqici noqono oo ku wada shaqeyno hab cusub oo ku saleysan is afgarad siyaasadeed oo laga unko gunta, si loo baadi-goobo dantii guud ee inaga dhaxeysey iyo nidaam loo dhanyahay oo dowli ah ayuu diktoorku ku baaqey. Waaqicinimada Dr. Baadiyow ka hadlay ee biyo-kamadhibcaanka ah waa taas. Iyadaana ku habboon in la wada garowsado si daljaceyl dhab ah loo helo. Somaaliya sida Baadiyow tibaaxayba, waa xaafad ka mid ah dunida maanta isu soo durugtey ee halka degmo noqotey, waana laga diidey anigaa leh degalkaan ee kheyraadkiiga ii dabool. Muhimadda ay leedahey dariswanaaga iyo mideynta danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee geyiga bariga qaaradeena waa wax in la wada fahmo u baahan iyaduna. Hadaba dib ha inoo celin Ibraahim, raad arooyo gadaal looma raacee, Digtoorku waa run ku noole. Waxaa kale oo wadaninimo miyirqabta ah, markuu Diktoorku arkey wadaniyadda dibnaha uun saran, iyo sida hoggaanka sare ee Sooomaaliya tooreyda-daabcadda ah ugu lisanayso duudka nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya; hab kaas oo ah waaqiciga kaliya ee isku soo duwi kara kalsoonida bahwadaagta Somaaliyeed ee saban colaadeedku kala irdheeyey, ayuu ka damqaday sida dowldu isu dubaaqeynayso, oo wuxuu u diray digniin.
Aniga oo aan ku fogaaneyn jawaab-celinta, su’aalaha Mudane Ibraahiim waxaa iiga dhadhamay fikir siyaasadeed oo u eg “Hay Hay, Ceynaanka Hay” oo xambaarsan wadaniyaddii khaldaneyd ee “Hayaay ka soo Baxaay Hayaay-dii 78kii “, isagoo marin habaabiyey dulucda wareysiga diktoorka. Waxaan ku soo gabo-gabeynayaa: Ibraahiimow “Hal Maqaarka Diidani Dal-Dalool Kama Weydo”. Xashaa lilaahiye Baadiyow si hufnaan leh ayuu uga hadley danta guud una dhiibtey fikirkiisa saliimka ah. Marka ma haboona in loo dhigo hadalka ‘Diktoorku darajadii iyo doorkii uu ka waayey Muqdisho ayuu wali la dudsan yahay oo uu daydayayaa.’
Wa billaahi towfiiq.
Jamaal Cali
Email: JamalAli2011@gmail.com
——————–
Jamal Ali: Waa falanqeeye arrimaha siyaasadda Somaaliya. kala soco barta Twitter-ka @Jay23481
Maqaalo la xidhiidha mawduuca
WDN interview with Dr. Abdurahman M. Baadiyow By WDN
Dhambaallada af-Ingiriisiga ah: Ma Jaajuusnimaa mise waa Isqaadqaad W/Q I. Sharmaarke
__________________________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved
Leave a Reply