Hakintii Wadashaqeynta Dowlad Goboleedyada iyo DFS oo Sii Karaar Qaadatay

Muqdishu (WDN)- War lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda ee DFS
Md. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, uu shir isagu yeedhay Wasiirrada Maaliyadda ee Dowlad Goboleed-yada.  Shirkaasi oo uu ku sheegay in lagaga arinsan doono deeqihii  Bangiga Adduunka (Wordl Bank) iyo Midowga Yurub (EU) ay dhawaanta Soomaaliya ka heshay.

Md. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Wasiirrada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada ku bahoobay Golaha Iskaashiga Maamul goboleedyada, ayaa ka cadurdaartay shirkaasi, iyaga oo sheegay in ay tixgalinayaa go’aanka ay Dowlad Goboleedydu ku gaadheen shirkoodii Kismayo ee Sebtember 4-8 . Kaasi oo lagu hakiyay dhamaan wadashaqeyntii iyo xdhiidhkii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Martiqaadka Wasiirka Maaliyadda DFS Md. Beyle, ayaa u muuqda mid  dhayalsaday go’aanka ay Maamul Goboleedyadu ku hakiyeen  wada shaqeyntii DFS.

Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegaya in Md. Beyle loo diray warqad jawaab celin ah, oo ay Maamul Goboleeedyadu ku warglinayaan in aysan ka qeyb geli doonin shirka uu ka codsaday Wasiiradda Maaliyadda, islamarkaana aysan jirin wax wada shaqeyn ah oo hadda ka dhexeysa, tan iyo inta xal looga helayo khilaafka hadheeyay Dowlad Goboleedyada iyo DFS.

WardheerNews