Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hadraawi, Muqdisho iyo Aniga

W/Q Cabdiraxmaan Aaden Cabdi

Taariikhdu waa 26 September sannadii 2011. Waxa gegidda diyaaradaha ee Aadan Cadde caga dhigatay, diyaarad sida   Konton arday –  soddon iyo shan  Jaamacadood u socda, iyo toban iyo shan aan ka mid ahay oo waxbarasho dugsi sare u socday oo ka soo baqoolay Magaalada Hargeysa. Kolay aniga waa markii koowaad ee aan magaalada Muqdisho arko, una malayn maayo in uu qof Muqdisho hore u arkay naga tirsanaa. Muqdisho iska dhaafe waxa nagu badnaa asxaabta aan hore magaalo kaleba u arkin; da’da yarayd iyo isu socodka bulshada oo berigaa sidan ka hoosaysay awgeed.

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

In kasta oo ay arooryo hore (abbaaro 8:30-9:20) ahayd, haddana huur badan iyo kulayl ayaan dareemayey. Uumi diyaaradda ka soo baxayey- dib ayaan ka ogaaday in waxa uumiga sababayey ahaa diyaaradda aanu saarnayn oo muddo dheer shaqaynaysay – ayaa intii aan jaranjarada ka degayey wejiga iga leefay. Mas’uuliyiin Wasaaradda Waxbarashada ka tirsan, oo uu ka mid ahaa nin noo sheegay in uu Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada yahay, ayaa Garoonka nagu soo dhaweeyay. Eebbe ha ka raalli noqdo waxa aan qirayaa in werwerkii iyo qaloodkii igu beernaa iga yaraaday marka uu si gobanimo iyo walaalnimo ku dheehan tahay noo soo dhaweeyay.

Baasaboorka ardaydu ku dhoofi doonaan oo intii aanu Hargeysa ka soo bixin la isku afdhaafay waxa ay ahayd dhibta noogu weyn. Baasaboorka aannu Hargeysa kaga soo dhoofnay oo ahaa kii Soomaalilaand, Garoonka aanu joogno waxa uu ka ahaa mamnuuc; Denbi iyo ganaaxna lagu mudan karo. “Waan ognahay inaad dhankaa Baasaboor Soomaalilaand kala soo baxdeen, annaga iyo waddanka aad u socotaan (Turkiga) toona baasaboorkan ma aqoonsanin.  Sidaa daraaddeed baasaboorradiina iska haysta, kii kale ee aad Turkiga ugu baxayseen ayaa la idin samayn doonaaye” ayaa uu hawlwadeenka Wasaaraddu nagu yidhi, marka uu arkay arday naga mid ahayd oo isku dayey in ay Baasaboorkooda qariyaan, si aan loogu arag. Muddo dheer oo ka soo wareegtay awgeed, hadalladiisii  erey erey uma xasuusto laakiin hadal nuxurkiisu ahaa “iminka laga bilaabo annaga ayaa idinka mas’uul ah, carruurtayadii baad tihiin,” waa hadal aanan marnaba illaawin.

Kontonkayaguba waxa aanu ku dedaalaynaa in aanan kala lumin, qof weliba ka ku xiga ayaa uu ka war hayaa. Gaar ahaan intayada Dugsida sare u socota aad ayaa ay ardayda Jaamacaddu uga war hayeen; garashadooda siisay waxa u dheeraa dardaaran badan oo waalidka iyo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaalilaand u soo sheegeen in carruurta ilaaliyaan. Markii qof waliba shandaddiisi gacanta ku dhigay ee aanu is tirinnay ayaanu masuulkii W.Waxbarashada u sheegnay in aan diyaar nahay.

Xarunta socdaalka oo aan Gegida diyaaradaha ka fogayn ayaa lana geeyay- lug iyo gaadhi sidii aan ku tagnay ma xasuusto. Xafiis waxaas oo arday ahi qaada ma jiro’e waxa aanu fadhiisanay hadhka dhir Xarunta Socdaalka ku hor taallay. Qaar naga mid ahi waxa ay ku fadhiisteen kuraasta maqaaxi shaaha iyo bunka laga cabbo oo xarunta ku hor taallay, halka intayada kale wax kanbadhoodhsada iyo wax shandadahooda ku tiirsada iskugu jiray. Waxoogaa markii aannu meesha fadhinnay ee qaar naga mid ahna Baasaboorka loo sameeyay waxa yimi arday naga tiro badnayd oo Puntland ka yimi. Masuuliyiinta W.Waxbarashada ka socday ee naga masuulka ahaa waxa uu shaqaalaha Qaybta Socdaalka ka codsaday in ay gacan dhakhsadaan si ay arday cusub ee timina waqtigu uga dhicin.“Masuul  qado iyo shaah toona doonan mayno’e ardayda ayaanu u shaqaynaynaa” ayaa loogu soo jawaabay.

Dhawr arday oo aan ka mid ahay ayaa gudaha xarunta loogu yeedhay si la noogu adeego. Dadka loo shaqaynayo ayaad ku xigteen ee suga ayaa la nagu yidhi aniga iyo saddex wiil aan wada soconnay. Halkaa markay marayso, waxa aan dibadda xafiiska ku arkay qof gaadhi ka soo degay oo la barbar cararayo; sida loogu soo buuqay iyo  gaadhiga uu gudaha xarunta la soo galay ayaan  ka dareemay in uu qof madax ah yahay, shay aan isku mashquuliyo waaban u baahnaaye; indhaha ayaanan la sii raacay si aan u ogaado bal xilka uu hayo iyo xafiiska uu galo. Marka uu dhinaca xafiiska u soo dhawaaday, jaranjarta xafiiska cagta soo saaray ayaan aqoonsaday in uu Maxamed Ibraahim Warsame (HADRAAWI) yahay.

Masaajidka Ibraahim-Dheere ee Hargeysa ayaa iigu horraysay meel aan ku arko, maantana waanigan magaaladaan saacad ka hor imi nasiibka u helay in aan ku arko. Mar waan ku naxay oo inuu Muqdisho joogo ma ogayn, marna waan ku farxay oo waxa uu ahaa qofkii u horreeyay ee aan magaalada dhan ka weji iyo magac  garto. Dhawr qof oo Agaasime Waaxeedkii na caawinayey ka mid yahay ayaa Hadraawi garab socday. 

Marka uu xafiiska soo galay, dhammaantood waxa ay isu taageen salaamidda iyo soo dhawaynta Abwaanka.  

Haddaba Hadraawi maxaa uu Muqdisho ka soo doonay? Dabcan waa magaalo Soomaaliyeed oo marka uu doono iman karo laakiin ujeedada socdaalkiisu muxuu ahaa? Ma dalxiis iyo fantasiyo ayaa uu u yimi mise sida aniga iyo saaxiibbaday,ayaa geeddiga waxbarasho la soo galay? In uu xildoon ahaa ma laga yaabaa oo metelaadda Gobollada Waqooyi wax ka soo raadsaday? May intaa midna ma ahayn.

Berigaa , 2011 waxa Soomaaliya, gaar ahaan gobollo badan oo Koonfurta ah, ka dhacay abaaro baahsan, kuwaas oo markii danbe macaluul daran sababay. Tan ayaa sababtay in Soomaaliya caalamka meelo badan-Turkiga la noo wado ha u tun weynaadee- looga soo gurmado. Soomaalilaand ayaa iyaduna ka mid ahayd dadkii waajibaadka gurmadka walaalahood gudanayey, Hadraawina waxa uu ka tirsanaa Wefdiga Soomaalilaand soo dirtay. Waxaana ay sideen xoogaa lacag ah oo ay Gurmadka abaaraha kaga qaybqaadanayeen. Tirada lacagta oo ahayd midda la arkayo waxa ka saamayn badnayd garashada Reer Soomaalilaand.  

“Soomaalilaand iyo Soomaaliya waa cadow” waxa ay ahayd nuxurka laga soo baxay  hadallada xanaf leh ee  warbaahinta la isku dhaafsado, waxa ay fajac iyo amakaag ku noqotay dad badan oo labada dhinacba ka tirsan. Waxa ceeb iyo wax laga xumaado ahayd in ay caadi ahayd in Iiraani, Turki ama Carab dadka u soo gurmadaan, halka reer Soomaalilaand loo qaadan waayo iyo af kala qaad ahayd!

Waxaan qirayaa, in dadkii fikirka ah in gurmadka laga qayb qaato soo jeediyey, cid kasta oo xoog iyo xoolo kaga qayb qaadatay iyo weftigan Muqdisho ku sugnaa ee  Hadraawi ka tirsanaa  ay dumiyeen  gidaar ka dhisnaa madaxyada in badan oo bulshadeenna  ka tirsan. Waxaana ay isu fureen quluubta dad in badan kala qoqobnaa, isku furkaasina waxa uu sababay butaaca naxariis, tudhaale iyo is ixtiraam badan. Aan ku soo noqdo Hadraawi iyo Xarunta Socdaalka’e waxa uu qof qof u salaamay dhammaan dadka xafiiska oo aan ku jiray. Waxa loo tilmaamay dhanka xafiiska si ujeedadiisiii u lahaa loogu fuliyo, laakiin Hadraawi waxa uu arkay in dad aan ku jiro sugayaan. “Adeer hawlo khayri ah baan ku mashquulsan nahaye ma idinka hor mari karaa” ayuu na weydiiyey isaga oo wejigiisa laga dareemayo in uu  ka xun yahay inuu naga hor maro. “Dabcan haa adeer” ayaanu mar la soo wada boodnay.

Hadraawi xafiiska waa uu ka soo baxay, qofka ku xigay oo aniga ahaa ayaana loo yeedhay- haddii uu baasaboor samaysanayey waa sida ay u badan tahay’e, baasaboorradayadu waa  isku tiro xigaan! Laakiin jewigii farxadda iyo dardarta ahaa waxa uu gaadhay dhammaan shaqaalaha xafiiska. Aragga Hadraawi waxa uu Shaqaalaha xarunta oo muddo dheer noo shaqaynayey ilaa galabtana sii shaqayn doona u noqday mid hurdada ka kiciya; qof  suugaantiisa ka sheekeeya, qof waraysi maalmahaa idaacad maxalli ahi ka qaaday ka warrama iyo qof reer waqooyi si guud u ammaana iskugu jireen. Markii horeba si gobannimo leh baa la noo soo dhaweeyay oo la noogu adeegayee, si ka sii fiican la noogu adeegay. “Hadraawi baa nagu kiin ballamiyey” baa mid shaqaalaha ka mid ahi nagula kaftamay.

Maalintaas ayaa aragga Hadraawi iigu danbaysay, maalin kadibna waxa aan ka soo tegay Magaaladii Muqdisho. Waanigaa diyaarad ugu yaraan 400 arday saaran yihiin fuulay. Waxa aan kursiga daaqadda ku xiga-kii daaqadda xigay la iga horumaray- ka eegayaa magaalada Muqdisho. Burburka  iyo omoska abaarta waxa iga indha saabayey wanaaggaan kala kulmay inta joogay.

Nabadgelyo Muqdisho. Nabadgelyo Hadraawi. Nabadey hawlwadeennada: Wasaaradda Waxbarashada, Xarunta socdaalka, Garoonka diyaaradaha, Hudheelkaan degganayn iyo dhammaan cid kasta oo i soo dhawaysay.

Cabdiraxmaan Aaden Cabdi
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.