Muqdisho (WDN)- Waxaa maanta lasoo gabagabeeyey wareeggii 1aad ee hadalka jeedinta musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabk baarlamaanka 11-aad a iyo aqalka sare .

Musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka oo tiridooda 8 tahay, ayaa fursad hadal jeedin oo 15 daqiiqo ah u helay inay soo bandhigaan qorshaha waxqabadkooda iyo codsiga ay jeedinayaan. Waxayna musharaxiintu kala ahaayeen:
1. Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdullahi
2. Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Madoobe
3. Xildhibaan Sadiiq Cabdullahi Cabdi
4. Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor
5. Xildhibaan Xassan Cabdi Nuur
6. Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black
7. Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
8. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig

Waxaa sidoo kale hadal jeedin maanta sameeyey musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha xilka gudoomiyaha Aqalka Sare oo ay u sharaxanyihiin 3 musharax kala ah
1. Senetor Osman Obokor Dubbe
2. Senetor Abdi Hashi Abdullahi
3. Senetor Salah Ahmed Jama
Dhanka kalena Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la qaatey gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed ayagoo ku wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa doorashada guddoonka golaha shacabka.
Maxamed Cumar Aaden
Wardheernews,Muqdisho