Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Hadaljeedinta musharaxiinta oo soo gabagabowdey iyo Shariif Sheekh Axmed oo xubinimada golaha loo dhaariyey

Muqdisho (WDN)- Waxaa maanta Teendhada Afasiyooni ee magaalada Muqdisho lagu soo gunaanadey hadaljeedinta musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya u tartami doonta maalinta Axadda ee 15-ka bishaan May. Waxaana maanta hadalkeediyey musharaxiin 19 gaaraya.

Hadaljeedinta musharaxiinta ayaa ay kusoo bandhigayeen qorshe hawleedkooda haddii xilkaas loo doorto, waxaana musharaxiinta maanta ka mid ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadey ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii u danbeeyey waqtigii KMG Shariif Sheekh Axmed, oo isagu saaxadda siyaasadda soo geliyay Madaxweyne Farmaajo.

Muddo 2 maalin ah ayey socotey hadaljeedinta musharaxiintu oo ay isu soo taageen 39 musharax, iyada oo ay maanta soo gabagabowdey qeyb weyn oo ka mid ah hawlaha doorashada. Guddiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in sidaas lagu soo gunaanudey qeyb muhiim ah oo doorashada ka mid ah.

Waxa kaliya ee harey ayaa ah in xubnaha labada aqal ay doortaan madaxweynihii 4ta sano ee soo socota Soomaaliya hogaamin lahaa.

Waxaa kale oo goobta lagu dhaariyey madaxweynihii hore ee  KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee golaha shacabka  oo dhawaan loogu soo doortey magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe .

Maxamed Cumar Aaden
Wardheernews, Muqdishu.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.