Gurmadka shacabka iyo gurmadka dowladda

Gurmadka shacabka iyo gurmadka dowladda

W/Q Sh. Axmed Cabdisamad 

Markii cadowgu dadkaaga naafeeyo dadweynaha iyo hay’adaha rayadku inta badan dadka markaas dhibtu gaartay in loo gurmado ayay xoogga saaraan, laakiin dawladu siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan waxay ku mashquushaa sidii aan dhibtaan oo kale dib ugu dhacdeen.

M/weyne Farmaajo (midig) iyo Kheyre

Sarkaalka hawlgalintu baroordiiqda iyo dabiibida dadka wax la yeelay kuma mashquulo, ee awooddiisa wuxuu isugu geeyaa inuu:

1) Cadowgii dhibtaan geystay ka soo aarguto,

2) Inuu mustaqbalka dhibtaan oo kale ka hortago iyo

3) Inuu difaaco goobaha dadkan la waxyeeleeyey ku sugan yihiin.

Shacabka Soomaaliyeed meelay joogaanba way keceen , gurmad walaalnimo iyo dareen ehelnimana way muujiyeen laakiin sax maaha in kacdoonkaan intaas ku dhamaado, ee waa in laga dhaliyo gurmad iyo hawlgal loo dhanyahay oo cadowyadaan lugu ciribtiro.

Hawsha noocaas ah weeye xilka dowlada laga sugayo ee maaha baroordiiqda iyo boohinta.

Hadday taa ku guulaysato boohintii iyo baroordiiqdii ay nala wadaageen waa aqbal. Hadday tan ku fashilmaana dadkayagu boohin 30 sano oo xiriir ah buu soo wadey oo in lugu biiriyo uma baahna.

Sh. Axmed Cabdisamad
Email:alwaqaar@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.