Wednesday, May 01, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gurmad dal ma lagu dhisaa?

W/Q Adan Salaad (Badiic)

Arar
Majiro dal burbura ama dayacma kahor inta aysan dayacmin dadkiisu, dalalku waxey ku dhisan yihiin muwaadiniintooda, waxeyna ku burburaan dayaca dhankooda kaga yimaada. 

Waxaa jirta dood ay kusoo bandhigayaan Daron Acemoglu and James Robinson buuggooda -Maxey waddamadu u fashilmaan ( Why Nations Fail). Dooddaas oo ku salaysan in horumarka dalalku aysan xiriir badan la lahayn meesha ay ku dhacaan Juqraafi ahaan, Saqaafadooda iwm, balse ay tahay arrin ka go’da dadka dalkaas leh, siiba hoggaanka oo ah jihada ka masuulka ah dhisisdda hay’addo siyaasadeed oo waxtarkoodu dadka wada gaaro iyo nidaamka siyaasadeed oo xasilloon. Maadaama dowladaha casriga ah ay maanta masuuliyadda arrimiha bulshada dhammaan dusha saarteen, waxaa lagama maarmaan ah in dowladaha lagula xisaabtamo waxtarkooda, sidoo kalena ay qaataan masuuliyadda daldalool kasta oo ku yimaada waajibaadkooda. 

Sidoo kale Dr Cabdikariim Bakaar waxa uu ku xusay buuggiisa [أفكار من أجل التقدم]: ‘‘Ummadaha dunida saddexaad -Ummadaha hurda- in ay ku mashquulaan shaqooyinka dadaalka muruqeed u baahan, halka ummadaha horumaray ay xoogga saaran shaqooyinka u baahan dadaalka iyo tuujinta caqliga’’. Dulucda hadalka Dr-Cabdikariim  waxaan ka fahmi karnaa; si horumarku u noqdo mid waara ama sii socda waxaa asaas u ah dadka, oo horumarka dalku waxa uu ku xiran yahay doonitaanka, hoggaanka iyo hab-fekerka muwaadiniinta dalkaas. 

Haddaba, ma dhihi karnaa gurmadka joogtada ah iyo daabulka raashinku waa shaqo iyo dadaal xooggii maaddiga ahaa uu innakaga dhammaaday, halka aynu hilmaannay shaqadii dadaalka maanka, fekerka iyo qorsheynta innooga baahnayd oo ahayd; dejinta istiraatiijiyaddii looga bixi lahaa dhibtaas laga gurmanayo ee soo laalaabatay tiro aan xisaab lahayn!

Gurmadka, isu-turidda iyo iskaashigo waa sifooyin gobannimo, oo ka dhasha dareen iyo qiyam bulshadaasi ay leedahay, si guudna waa daahiro mudan bogaadin iyo dhiirrigelin. Balse dowlad ayaa bulshadeeda kaalmo iyo gurmad ugu deeqday waa arrin inna tusineysa Wacyiga daciifka ah ee muwaaddinka iyo mooganaanta xuquuqdiisa. Dooddayduna waxey tahay gurmad degdeg ah dal laguma dhiso e qorshe ayaa lagu dhisaa.

Marka aan milicsanno, fatahaadihii ka dhacay dalka oo aan ka xusi karno fatahaadihii dhammaadkii 2019-kii ku dhuftay  Beledweyne iyo kuwii ka dhacay dhammaadkii bishii Maarso iyo bilowga Apriil ee sannadkaan Bacaadweyn, Qardho iyo Baardheere, sababayna khasaare naf iyo maalba leh. Waxaa mudan in aan isweydiinno gurmad dal malagu dhisikarayaa?! Sidoo kale waxaa mudan in aan isweydiinno:

Maxaa sababay fatahaadaas? Ma waxey ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee dalka kadhaca? Fatahaadaha roobabka xooggan iyo Webiyadu ay sababaan lama xakamayn karo miyaa? Fatahaadahaas maxaa cashar laga bartay?. Waa maxay kaalinta dowladaha ee ku aaddan masiibooyinka noocaan ah? Ma gurmadbaa? Wasaaradaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo kuwa Tamarta iyo Biyaha shaqadoodu waa maxay? Shaqaalaha ka hawlgala wasaaradahaas maleeyihiin xirfadda maareynta musiibooyinka? Guddiyada Gurmadka ee Fatahaadaha (heer Qaran iyo Maamul Goboleed) maxey qabtaan? yaase la xisaabtama? 

Dhammaan jawaabaha weydiimahaasi waxey innoo fududeynayaan in aan ka gudubno shaqada gurmadka ee soconeysa toddobaadka, bisha ama sannadka oo aan u gudubno qorshe cad iyo istiraatiijiyad gunta hoose lagaga jaro dhibaatadaas joogtada ah. 

Sidaas darteedna qorshe istiraatiijiyadeed oo siyaasadeed waa habka keliya ee lagaga hortagi karo dhibaatooyinka soo noqnoqda.

Qorshe in la sameeyo ma adag tahay, mise waa laga gaabiyay?

Qorshaynta qeexitaankeeda waxeynu kusoo ururin karnaa: qaadashada go’aanno lagu jaangoynayo aragti mustaqbaleed. Taas oo la isweydiinayso; xaggee dooneysaa in aad gaarto?. Xaggee ayaadse hadda joogaa? Meesha aad dooneyso sidee ku gaari karaa?.

Dhanka Istiraatiijiyadda sida uu ku qeexay Henry Mintzberg waxaan dhihi karnaa; waa qorshe, jiho ama manhaj shaqo si loo gaaro yool, waana marin ama buundo taas oo meel ka bilaabmeysa meelna ku dhammaaneysa. Arinkaas waxaan ula jeednaa habka shaqadu noqonayso iyo ku sugnaanta hab cayiman oo loo raaco (2006 د. محمد و د. طارق ). İntaas ka gadaal, qorshe istiraatiijiyadeed wuxuu noqonayaa; go’aanno leh saamayn mustaqbaleed iyo shaqo joogta ah isna bedbeddesha, taas oo leh falsafad maamul iyo nidaam isdhamaystiraya.

Guud ahaan kolka la dejinayo istiraatiijiyad culumada ku xeeldheer waxey u qaybiyaan labo jaad;

1) Istaraatiijiyad dhammeystiran (comprehensive strategy); taas oo ah istiraatiijiyad ku dhisan sahmin mustaqbaleed iyo odoros guud oo laga yeesho arrimo badan oo iskudhafan.

2) Istiraatiijiyadda Aqoonsiga Dhibaatada (Problem recognition strategy); qaybtaan sida aan magaceeda ka arki karno waa istiraatiijiyad loo dejiyay arrin gaar ah ama dhibaato la aqoonsaday jiritaankeeda, una baahan in wax laga qabto. 

Qaybta labaad oo ah maanta tan khuseysa dhibta aan rabno in aan maareyno, waxaa loo adeegsadaa dhowr siyaabood ay ugu muhiimsan yihiin:  1. Xalinta Dhibaatooyinka Joogtada ah (RPS), sida fatahaadaha soo noqnoqda. 2. Xalinta Dhibaato Xaddidan (LPS), sida buundo go’day, mashruuc biyo gelineed Iwm. 3. Xalinta Dhibaato Weyn (EPS), sida cudurrada faafa oo dalka ka dillaaca.

In aad dhibaatada u aqoonsato dhibaato jirta oo u baahan xal waara ayaa guul ah, balse nasiib darro dowladaha qaar ee dunida saddexaad iyo kuwa kali-talisku u arrimiyo, halkii ay dhibaatada aqoonsan lahaayeen kadibna ka falcelin lahaayeen ayey ka macaashaan oo dano gaar ah ku dhex fushadaan; tusaale cad waxaa innooku filan Duufaannadii Myanmar iyo Kali-taliyahoodii  (درويش، 2018) .

2-dii bishii 5aad 2008-dii Myanmar waxaa ku dhuftay duufaan aad u xoog badan, kaas oo lagu magacaabo Narjis (Cyclone Nargis), wuxuu sababay duufaankaasi burbur ballaaran oo soogaaray dadkii koonfurta Myanmar gaar ahaan deeganka lagu magacaabo Irawaddy. Dadka deegaanku ma diktoonayn taasina waxey dhalisay (duufaankii kahor) in aysan ka bixin tuulooyinkii ay ku dhaqnaayeen, waxyeello badanna ay soo gaarto. Kadibna, Hay’adihii gargaarka ee caalamiga ahaa waxey usoo kala degdegeen badbaadinta dadkii reer Myanmar ee duufaannadu waxyeeleeyeen. Hase yeeshee dowladdii halkaas kajirtay ayaa diiday in ay dalka soo galaan wax kaalmo ah, hoggaamiyohoodiina wuxuu ku yiri deeq-bixiyayaashii, waxaan qaabilaynaa kaalmooyinka Lacagta caddaanka ah oo keliya, dowladda ayaana lagusoo wareejinayaa, kadibna dowladda ayaa qaybineysa gargaarka. 

İskadaa waxtar kale e, xitaa hoggaamiyahaasi wuxuu u diiday dadkii dhibbanayaasha ahaa ee duufaanadu wax yeeleeyeen in gargaar la gaasiiyo, waxeyna noqotay musiibo uu hoggaamiyihii dalkaasi ku gorgortamo.  Halkaasna waxaan ka dheehan karnaa qorshe iyo istiraatiijiyad in la sameeyo ma adka, balse waa gaabis ka yimid ciddii masuuliyaddeeda lahayd.

Gunaanad

Ugu danbayn, Soomaalidu waxey dhahdaa dabkii gurigaaga gubay danbaska waa laga guraa, haddaad dib ugu joogsatidna, adiga iyo doqonniinadaa. Waa nasiib darro in sannad walba aynu dowlad iyo shacab ba gurmad iyo qaylodhaan aan maalmo dhaafsiisanayn xooggeenna gelinno. 

Si loo qaado tallaabooyin ka duwan gurmadka aan jihada lahayn, si dhab ahna xal waara loogu helo fatahaadaha soo laalaabtay, dowladda – heer Qaran iyo mid Maamul Goboleedba- waxaa saaran masuuliyadda aqoonsiga dhibaatadaas joogtada noqotay iyo dejinta siyaasadda ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka dabiiciga ah ee fatahaaduhu ay ugu horreeyaan, bulshadana.

Waxaa laga rabaa wacyi siyaasadeed, si ay ugu sameeyaan dowladda hagid, sixid iyo la xisaabtan iyaga oo u maraya hay’adaha rasmiga ah ee dowladda iyo kuwa aan rasmiga ahayn, si xaqoodu uusan u noqon kaalmo iyo gurmad loogu deeqay.

Adan Salaad  (Badiic)
Email: [email protected]
MA of Political Science and IR.                                
Istanbul, Turkey. 
——————
Tixraac

د. محمد, ا., & د. طارق , ا. ( 2006).
كيف تكتب خطة استراتيجية .الرياض: قرطبة للنشر والتوزيع.
درويش, ك. ( 2018).
الامم في ظل الاستبداد .اسطنبول: مكتبة الأسرة العربية.
 Acemoglu, D. , & Robinson, J. (2012). Why Nations Fail: The Origins of Power, Prosperity, and Poverty. Crown Business.   
(2018). عبد الكريم بكار

أفكار من أجل التقدم .اسطنبول: مكتبة الأسرة العربية.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.