Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo is casilay

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo is casilay

Garoowe (WDN) – Warar naga soo gaadhay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in uu is casilay godoomiyihii Baarlamaanka dowlad gobaleedkaasi Md. Siciid Xasan Shire.

In ka badan 40 Xildhibaan ayaa la sheegay in ay keeneen Mooshin ay xilka kaga tuurayaan gudoomiyaha, in kasta oo ka hor intii aan mooshionka la keenin uu xilkii iska casilay.

Siciid Shire
Md. Saciid Xasan Shire

Md. Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay si inqilaab ah kula wareegeen xarunta Baarlamaanka Puntland.

Md. Siciid ayaasidoo kale sheegay in uu aad ula yaaba in ciidamo ka socda Dawlada Puntland oo ay ka dambeeyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenku ay soo abaabulaan, oo la keeno xarunta Baarlamaanka. Arinkaasi oo uu si nabadda iyo kala dambeynta u ilaalayo, ka gadaal uu xilki kska casilay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuusan garaneyn sababta ay Ciidamada ula wareegeen xarunta Baarlamaanka, balse ay tahay mid carqaladeyn ku salaysan.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in ciidamada la wareegay xarunta ay markii hore u tageen inay sugaan amniga, kadib markii laga war helay inuu is casilayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada Mooshinka wada qaar ayaa sheegay in uu ka gaabiyay gudoomiyuhu xisaabtan lala sameeyo xukuumada maamulkaasi oo uu la saftay Dowlad Gobaleedka Puntland.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho