Muqdisho (WDN)- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aaf ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa kulan la qaadatay qaar ka mid culima’udiinka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala hadlay arrimo si been abuur ah loogu faafiyay baraha bulshada oo la xariira xeerka jinsiga iyo tacadiga ka dhanka ah haweenka iyo caruurta.
Guddomiye Sacdiyo ayaa culimadda uga mahadcelisay aqbalidda in ay kulan ka yeeshaan hadal heynta bulshada ee la xariira aragtida qaldan ee laga faafiyey xeerka Jinsiga, waxa ayna cumimadda iyo bulshada Soomaaliyeed uga jawaabtay Khudabadii ay ka jeedisay daah-furka ololihii 16-ka maalmood ee la xariirey Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka & Carruurta.
Marwo Sacdiyo ayaa Bulshada Soomaaliyeed u sheegtay in ay muhiim tahay ilaalinta shuruucda dalka iyo in la dhawro xaquuqda haweenka iyo caruurta laguna jaangooyo shareecadeena suuban,waxa ayna wax laga xumaado ku tilmaamtey faafinta wararka been abuurka ah. Kulanka maanta gudoomiye Sacdiyo Yaasiin ay la qaadatey culimada Soomaaliyeed ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu faafinayey in Sacdiyo ay u ololeynayo xeer la xariira Jinsiga , xaquuqda haweenka iyo caruurta kaasi oo la sheegay inuu ka hor imaanayo shareecada islaamka isla markaana dhaqanada soo galooti ku ah bulshada u adeegayo.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply