Muqdisho (WDN) Warar xogoggaal ah oo soo gaadhay WardheerNews ayaa sheegaya in la qorshaynayo shir guddi farsamo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyadu ay ku yeelan doonaan usbuucan gudihiisa magaalada Baydhabo. Guddigaas farsamo ayaa la sheegayaa in uu diyaarin doono qorshe looga gudbi karo khilaafka hadheeyay qabashada doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Soomaaliya.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shirka guddiga farsamo kadib, Madaxweynayaasha DF iyo DG ay wadatashi ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho, iyaga oo markaasi ka wada hadli doona talooyinka guddiga farsamadu uu soo diyaarinayo, islamarkaana ay isla qaataan go’aan wadareed sidii loo qaban lahaa doorasho.
Arinkan ayaa la sheegay in ay soo jeedinteeda lahayd beesha caalamku, taasi oo lagu sheegay fursaddii ugu dambeysay ee la siiyo maamulka Farmaajo, ee qabashada doorasho wada oggol ah.
Waxa xusid mudan in shirkii wadatashiga ee horraantii bishan Feb ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, ee ay la soo darseen khilaaf iyo ismaandhaaf keenay in lagu kala kaca shirka iyada oo aan la gaadhin wax heshiis ama is afgarad ah, kadib markii MD. Farmaajo uu sheegay in uu Muqdisho ku laabanayo si uu warbixin u siiyo Golaha Shacabka.
Dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ayaa indhaha ku haya xaaladda kalaguurka ee dalku ku jiro iyo in si nabad ah loo qabto doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Soomaaliya ( peaceful transfer of power).
WardheerNews
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved