Jigjiga, Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee caasimadda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in guddoomiyii degamada Tulli guuleed Md. Maxamed Khaliif maanta xabsiga magaalada Jigjga loo taxaabay.
Xadhiga guddoomiyaha ayaa la sheegayaa in uu ka dambeeyay amar uu bixiyay guddomiye xigeenka hoggaanka nabadgelyada ee deegaanku. Xadhiga guddoomiyaha ayaa u muuqda mid aan loo marin sifo sharci ah.
Degamda Tulli Guuleed oo kaabiga ku haysa magaalada Jigjiga ayaa dhawrkii bilood ee ugu dambeysay ay weeraro joogto ah ku hayeen maliishiyooyinka Oramadu iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ay soo qaadeen maalintii shalay balse ay kala kulmeen jab aad u weyn.
Shacabka Soomaaliyeed ee degmada Tulli guuleed oo iyagu keligood sutida u hayay weerarada Oramada ayaanay jirin wax kaalmo ah oo ay ka helaan xagga maamulka deegaanka Soomaalida.
Qaar ka mid ah waxgaradka degmada Tulli Guuleed oo ay WDN la xiddhiidhay ayaa sheegay in xadhiga guddoomiyaha degmadu yahay mid lagu raaligelinayo Oramada oo iska caabin badan kala kulantay weerarada joogtada ah ee ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee Tulli Guuleed. Iyagoo hadalkooda sii wata waxay intaa ku dareen in maamulka deegaanka Soomaalidu haddi aanu difiici karayn shacabkiisa uu ka daayo dhabar jabinta.
Ma jirto wax dembi ah oo ilaa hadda lagu soo oogay guddoomiyaha iyo wax eedayno ah oo la soo bandhigay midna.
Maamulka deegaanka Soomaalida ee ka arrimiya magaalada Jigjiga ayaa iyagu lagu tilmaamaa adeegayaal kabaqaad u ah Oramada oo ay xukunka u dhiibteen.
WardheerNews, Jigjiga.
Leave a Reply